Marwada Koowaad Ee Japan Oo Si Aanay Ula Hadal Donald Trump Iska Dhigtay In Aanay Ingiriisiga Garanayn

0
930

Washington (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey warar xiisaha leh ee adduunka ka mid ahaa, habkii ay marwada koowaad ee dalka Japan ugu guulaystay in ay isaga ilaaliso la hadalka Donald Trump, xilligii lagu jiray shirmadaxeedkii u dambeeyey ee dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee G20 loo yaqaanno, iyada oo iska dhigaysa in aanay afka Ingiriisiga aqoonin.

Sida caadiga ah marka uu dhammaado shirmadaxeedkan oo sannadle ahi, waxaa casho isugu yimaadda hoggaamiyeyaasha iyo marwooyinkooda, waxaana la isu dhex fadhiisiyaa si isku dhex quban, si fursad la isugu helo in la wada sheekaysto.

Akie Abe, oo ah xaaska raysalwasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe ayaa sannadkan kurisga loo qorsheeyey uu noqday ka ku xiga madaxweyne Donald Trump oo ah nin habdhaqannadiisa iyo hadalladiisuba muran badan dhaliyaan. Inta badan madaxdu waxa ay u sheekeeyaan marwooyinka madaxda kale ee kuraasida la isugu soo dhoweeyo, waxaana marar badan dhacda in madaxda qaar ay fursaddan uga faa’iidaystaan in ay marwada ku qanciyaan arrimo laga yaabo in hoggaamiyaha ay u dhaxday uu marka hore ka biyo diiday, taas oo suurtagal ka dhigtaba in marwadu ku qanacdo odaygana dib kaga qanciso.

Mudane Trump cashadii habeenkan oo ahaa 8-dii bisha Julay ma’ay noqon mid uu fursaddaas ku helo. Mar uu u warramayey wargeyska New York Times oo la weydiiyey waxa ay marwada ka wada hadleenna waxa uu sheegay in aanu wax sheeko ah la yeelan, sababtuna ay ahayd marwaeda oo aan ku hadli karin, isla markaana fahmi karin afka Ingiriisiga. “Waxa aan hareer fadhiyey xaaska raysalwasaare Abe, oo aan u aqaanno in uu yahay nin aad u karaamo badan, iyaduna aan filayo in ay la mid tahay, laakiin Ingiriisiga kuma ay hadli karayn” ayaa uu yidhi madaxweyne Trump.

Weriyaha oo madaxweyne Trump ku celiyey su’aal ah in gabadhaas aanay xitaa erey is odhan ayaa mar kale ku jawaabay, “Xitaa ‘Hello’ isma aanu odhan” Isaga oo ku calaacalay in uu ahaa habeen aad ugu adkaa oo waqtiga oo 45 daqiiqo ahaa uu aad ugu dheeraaday.

Isaga oo sharraxaya jawiga uu ka cabanayana waxa uu mar kale yidhi, “Markaas halkaas ayuun baan iska fadhiyey. Waxaa jiray hal turjumaan, kaasi haddii aanu Meesha joogi lahayna xaaladdu waabay ka sii adkaan lahayd. Laakiin markii dambe sidii hore xaalku ma’ uu ahayn oo aad baan u xiiseeyey, runtii waa gabadh aad u fiican”

Si kastaba ha ahaato ee madaweyne Trump markii dambe waa uu ka ag guuray marwo Akie oo waxa uu kursigiisa ula wareegay dhinaca marwada dalka Ruushka Vladmiri Putin.

Inkasta oo ay marwada koowaad ee dalka Japan madaxweyne Donald Trump u muujisay in aanay afka Ingiriisiga ka fahmi karin hal erey, haddana waxaa markii dambe cadaatay in marwadu ay diidaysay in ay sheeko dhex marto Trump. Laakiin xaqiiqada dhacday ayaa ahayd in aanay madaxweynaha iyadu ku odhan ‘Ma aqaanno afka Ingiriisiga, balse uu isagu uun fahamkaas qaatay. Gaar ahaan markii uu turjumaanka arkay.

Saxafi lagu magacaabo Sam Thielman, ayaa isaga oo beeninaya warka Trump ku sheegayo in aanay erey ka fahmin Ingiriisigana waxa uu mar dambe bartiisa Twitter ka soo dhigay, Marwo Akie Abe oo afka Ingiriisiga si fiican ugu hadlaysa mar ay khudbad afingiriisi ah ka jeedisay munaasabad ay lahayd hay’adda Ford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here