Maroodi Ma Ku Aamini Lahayd In Uu Gaadhiga Kuu Maydho, Adiga Oo Weliba Baabuurka Gudihiisa Ku Jira?

0
475

Picture8Washington (Geeska)- Waxa laga yaabaa in jawaabta su'aashan aad loogu kala duwanaado, waxaaba suuro gal ah, haddii aad tahay qof lexejeclo badan, in aragtida maroodigaba xawaare dheer aad kula baxsan lahayd baabuurkaaga, waxaana dhici karta in dad badani aanay runba u qaadan in Maroodi uu baabuurka u maydhi karo.

Akhriste, Qisadan runta ah ee yaabka badani waxa ay ka dhacdaa dalka Maraykanka. Saddex maroodi oo weliba aad u waaweyn ayaa ka shaqeeya nadiifinta baabuurta ay wataan dadka dalxiiska u taga deegaanno loo dalxiis tago oo ku yaalla agaagaarka magaalada Eugene ee gobolka Oregon. Sida lagu sheegay warbixin mar sii horreysay laga sii daayey talefishana Fox news ee dalka Maraykanka, "Saddexdan maroodi oo la kala yidhaahdo, George, Watiki iyo Alice waxa ay isu weydaartaan hawsha maydhista baabuurta dadka dalxiiska ah. Marka baabuurka la dhigo meel loogu talo galay in lagu maydho, ayaa ay toos ugu imanayaan oo ay maydhayaan" ayaa lagu sheegay warbixintan talefishanka, iyada oo sii caddaynaysa qaabka ay maroodiyadu u maydhaan baabuurtama waxa ay intaas ku sii dartay in mid kasta oo ka mid ah saddexdan Maroodi, marka uu gaadhiga maydhayo, uu gacankiisa ka soo buuxsado biyo uu ka soo darsanayo barkad ka agdhow oo lagu tababaray, kadibna inta uu soo dul istaago baabuurka uu xoog ugu soo afuufo biyahaas.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xoogga uu maroodigu ku tuurayo biyahani uu la mid yahay am aka sii xoog badan yahayba xoogga ay tuumbada Leebaajadu ku tuurto biyaha baabuurka lagu maydhayo. Intaas kuma ekaado ee maroodigu meel aan ka fogeyn oo loogu talo galay ayaa uu ka soo qaataa maro yar oo tuwaal ah, taas oo inta uu gacankiisa ku qabto ku nadiifiyo muraayadaha baabuurka. Arrintan ayaa ah mid ay masuuliyiinta dalxiiska ee deegaankani ugu talo galeen inay ku raalli geliyaan kagana yaabiyaan dadka dalxiisayaasha ah, si ay u sii korodho tirada dadka dalxiisayaasha ah ee xiisaynaya in ay deegaankan yimaaddaan.

Masuuliyiinta dalxiiska ayaa sheegay in inta badan maroodiyada goobtan joogaa ay barteen farsamooyinkan cajiibka ah ee baabuur maydhista, laakiin arrinta xiisaha lihi wax ay tahay in aan weli la arag baabuur goobtan ka baxay isaga oo sidii la rabay u nadiifoobay, si kasta oo maroodigu u dadaalana la arko in wax badani weli ka dhiman yihiin.