Suldaanka Beelaha Carbeed Ee Dega Somaliland Oo Madaxweynaha Uga Mahad-celiyey Qaabilaada Qaxoontiga Anigoo ah suldaanka beelaha Carbeed Suldaan Siciid Cali Salmaan, kuwaas oo dega gobalada Somaliland deegaano ka mid ah, muddo dheerna soo deganaa, taariikh iyo mansabna ku leh, waxaan halkan hambalyo iyo boggaadin uga dirayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo golihiisa xukuumadda, kaas oo si mug iyo miisaan leh uga hawl-galay soo dhaweynta iyo qaabilaada qowmiyada Carbeed iyo dhammaanba qaxoontiga ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman, kuwaas oo muddo dheer ku soo jiray bada, daal iyo diifna ka soo gaadhay. Madaxweyne Siilaanyo qaabilaadiisu, waxaa ay noqon doonta mid ay xusto taariikhda mandaqada carabtu, sida geesinimada leh ee uu uga badheedhay, waxaa kale oo xusid mudan dhammaanba madaxda heer qaran ee iyaguna muujiyey hufnaan iyo hawlkarnimo ay ku qaabilayaan dadyowga qaxoontiga ah, gaar ahaan kuwa ku shaqada lahaa. Waxaan kale oo aan hadalkayga u sheegayaa in hadalkii dhawaan ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha Md.Cali Maxame Waran-cadde aanu ahayn mid ku socda qowmiyada Carbeed, laakiin uu ahaa mid ku socda dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfurta iyo Xukuumadooda, kaas oo xurguf siyaasadeed ka dhaxayso dawlada Somaliland, se Yamen tahay mid abaal gaar ah ku leh Somaliland. Ugu danbeyntii, waxaan halkan uga mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha oo aanan marnaba illaaweyn, wasiirka dib-u-dejinta, maareeyaha dekada iyo dhammaanba cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntaas, waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa soo dhaweynayaa hay’addaha qaramada midoobey meel kasta oo ay joogaanba in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta dadyowga qaxoontiga ah ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman. Allaa Mahad Leh. Suldaan Siciid Cali Salmaan

0
532

Anigoo ah suldaanka beelaha Carbeed Suldaan Siciid Cali Salmaan, kuwaas oo dega gobalada Somaliland deegaano ka mid ah, muddo dheerna soo deganaa, taariikh iyo mansabna ku leh, waxaan halkan hambalyo iyo boggaadin uga dirayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo golihiisa xukuumadda, kaas oo si mug iyo miisaan leh uga hawl-galay soo dhaweynta iyo qaabilaada qowmiyada Carbeed iyo dhammaanba qaxoontiga ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman, kuwaas oo muddo dheer ku soo jiray bada, daal iyo diifna ka soo gaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo qaabilaadiisu, waxaa ay noqon doonta mid ay xusto taariikhda mandaqada carabtu, sida geesinimada leh ee uu uga badheedhay, waxaa kale oo xusid mudan dhammaanba madaxda heer qaran ee iyaguna muujiyey hufnaan iyo hawlkarnimo ay ku qaabilayaan dadyowga qaxoontiga ah, gaar ahaan kuwa ku shaqada lahaa. Waxaan kale oo aan hadalkayga u sheegayaa in hadalkii dhawaan ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha Md.Cali Maxame Waran-cadde aanu ahayn mid ku socda qowmiyada Carbeed, laakiin uu ahaa mid ku socda dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfurta iyo Xukuumadooda, kaas oo xurguf siyaasadeed ka dhaxayso dawlada Somaliland, se Yamen tahay mid abaal gaar ah ku leh Somaliland.

Ugu danbeyntii, waxaan halkan uga mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha oo aanan marnaba illaaweyn, wasiirka dib-u-dejinta, maareeyaha dekada iyo dhammaanba cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntaas, waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa soo dhaweynayaa hay’addaha qaramada midoobey meel kasta oo ay joogaanba in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta dadyowga qaxoontiga ah ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Allaa Mahad Leh.

Suldaan Siciid Cali Salmaan