Maroodi-jeex: Maxkamadda Gobolka Oo Xukun Dheer Ku Ridday Masuul Ka Mid Ah Xisbiga WADDANI

0
586

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay xukunka xadhiga ah ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku ridday Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodijeex Wali Cabdi Jaamac.

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaanu aad iyo aad uga xunahay xukun ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, xukunkaas oo lagu xukumay laba sanno iyo laba bilood Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodijeex oo ah ku-simaha Guddoomiye Weli Cabdi Jaamac, kaas oo aan u arkayno xukun siyaasiya, xukunkaas aad iyo aad ayaan uga xunahay, waxaanu u aragnaa xukun ay Dawladda Somaliland, gaar ahaan Madaxtooyadu dabada ka riixayso waxana la yaaban nahay Muuse Biixi oo soddon sanno Madaxweynayaasha af iyo adinba ku dhibay in maanta kalmad qof yidhaahdo ka cabanayo, Madaxweyneyaheenu wuxuu u eeg yahay Madaxweyne Maxali ah, oo doonaya dadka deegaankiisa ee Xisbiyada kale ku jira inuu dhibaato u geysto inuu xidho oo dhibaato u geysto, waxaan leeyahay Madaxweyne dadku deegaan kasta oo ay joogaana waa u xor fikirkooda, Xisbiyaduna waa Xisbiyo qaran, waxaana u aragnaa in Weli Madaxtooyadu ay dhibane ka tahay, waxaanu u aragnaa in xukunkaasi Maxkamadda ka soo baxay uu bar madaw ku yahay xuquuqul isaanka, waxaan u aragnaa inuu ceeb ku yahay Dawladnimada Somaliland, Siyaasiyiinta oo la xidho wanaag iyo wada jir laguma helo”.

Mar uu Xukuumadda baaq u dirayey wuxuu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa in Dawladdu xorriyadiisii u soo celiso muwaadinka Guddoomiye ku-xigeenkii, ahna ku simaha Guddoomiyaha ee Maroodi-jeex, waa Masuul Xisbi”

 

Geeska.net/Hargeisa Office