Maraykanka Oo Shalay Xabsiga Ka Sii Daayey Basaas Ay Yuhuudda Ka Qabteen 30 Sano Ka Hor

0
648

222Washington (Geeska)- Maraykanka ayaa Jimcihii shalay ee 20ka Noofambar 2015ka waxa uu xabsiga ka sii daayey Jonathan Pollard oo ah Yuhuudi haysta dhalashada dalka Maraykanka oo muddo soddon sano ah ku jiray xabsiyada dalka Maraykanka, kadib markii lagu helay dembi ah in uu basaas u ahaa Israa’iil.

Afhayeen u hadlay urur la baxay, ‘Cadaalad ha helo Jonathan Pollard’ oo muddo dheer dalka Maraykanka ka waday ol’oleyaal adag oo uu ku doonayo in la sii daayo basaaskan ayaa sheegay in Pollard oo hadda da’diisu ay 61 sano jir tahay uu hadda xabsiga bannaanka ka joogo.

Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna dhinaciisa ka soo dhoweeyey sii deynta Pollard oo hore uga tirsanaan jirtay qaybta lafagurka xogta ee ciidamada badda Maraykanka, warmurtiyeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaanu ku yidhi, “Shacabka Israa’iil waxa uu soo dhoweynayaa sii deynta Jonathan Pollard. Ugu dambayntii waa uu la kulmay qoyskiisa” Netanyahu oo isaga iyo raysalwasaarayaal xilka uga horreeyeyba ay muddo dheer ku dadaaleen sii deynta basaaskan balse dowladda Maraykanka ay ka furfuri kari la’aayeen ayaa intaas ku sii daray, “Sabir taagwaa ayaa aan maalintan oo kale ku sugayey, in badan ayaa aan arrintan ninkan kala hadlay madaxweynayaasha Marraykanka ee sannadahaas uu xidhnaa oo dhan xilka soo qabtay”

Kanaalka Labaad ee talefishanka Israa’iil ayaa isna sheegay in wakiillada Pollard ay dowladda Maraykan ka codsadeen in maxbuuskan la sii daayo kadibna loo diro dalka Israa’iil isaguna uu taas beddelkeeda ka tanaasulayo jinsiyaddii Maraykanka, laakiin codsigaas Maraykanku si dhayal ah kuma uu aqbalin waxa aanu ku adkaystay in sii deyntiisa ay ku xidhayaan shardiga ah in aanu muddo Shan sano ah ka bixin dalka.

Maraykanka ayaa Pollard xidhay bishii Nofambar ee sannadkii 1986kii, kadib markii lagu eedeeyey in uu basaas u yahay Israa’iil, xukuumadihii kala dambeeyey ee tan iyo waqtigaas talada aqalka cad soo qabtayna dhammaantood waa ay diideen codsiyo si is-daba joog ah uga imanayey Israa’iil oo dalbanaysay in la sii daayo. Illaa ay gaadhay marar badna in Israa’iil ay dhex-dhexaadinta Maraykanka ee Israa’iil iyo Falastiin ku xidhay sii deynta Pollard laakiin markii uu Maraykanku ogolaan waayey ay tanaasushay.