Maraykanka Oo Qirtay In Uu Dhegeysto Talefannada 35 Hoggaamiye Oo Caalamiya

1
618

Picture1Washington (Geeska)- Wakaaladda Amni Qaranka ee dalka Maraykanka ayaa qiratay in ay muddo basaasaysay si gaar ahna u dhegeysanaysay xidhiidhada talefanka ee 35 hoggaamiye oo caalamiya. Joornaalka Wall street Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maalintii shalay masuuliyiin ka tirsan wakaaladdan ka soo xigtay in baadhitaanno gudaha wakaaladda ah oo la sameeyey maalmihii u dambeeyey ay muujiyeen in wakaaladdu ay leedahay barnaamij basaasid ah oo caalamiya.

Joornaalka oo qariyey magacyada masuuliyiinta uu xogtan ka helay, sababo amni awgeed, waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee uu Maraykanku qiro in uu si badheedh ah u basaasay talefannada madaxda dunida oo ay ku jiraan kuwo Maraykanka la leh xidhiidh sokeeye oo amni iyo dhaqaale, gaar ahaan dalalka Yurub.

Toddobaadkii hore ayaa ay soo baxday sir uu fashiliyey Sarkaalka ka tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ee baxsiga ku jooga dalka Ruusha, taas oo xaqiijinaysa in uu Maraykanku muddo dheer si joogto ah u dhegeysan jiray talefanka gaarka ah ee haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Markel. Arrintani waxa ay si weyn uga cadhaysiisay dalalka reer Yurub oo u qaadan waayey in xidhiidhka adag iyo is-gaashaan buuraysiga ka dhexeeya Maraykanku uu ku filnaan waayey in uu aamino dalalkan.

Maalmihii u dambeeyey waxaa dunida oo dhan ka taagnaa xiisado diblumaasiyadeed oo ka dhashay basaasidda iyo dhegeysiga uu Maraykanku ku sameeyo talefannada madaxda dunida, gaar ahaan kuwa reer Yurub iyo weliba muwaadiniinta caadiga ah ee dalalka Yurub oo la dhegeysto talefannadooda. Arrintan oo Maraykanka ku keeni doonta dhaawac diblumaasiyadeed oo kabistiisu muddo ku qaadato.

Comments are closed.