Laba Wasiir Oo Xaliyay Mudaharaad Ay Ardayda Jaamacadda Gabiley Kala Hortageen Tirokoobka

1
588

dacasGabiley (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Mudaharaad Axaddii doraad ka dhacay Magaalada Gabiley, kaasi oo ay dhigeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Tima-cadde ee Magaaladaasi.

Mudaharaadka ardaydu dhigeen oo ay ka muujinayeen inaan cidna lagaga darin shaqaale Wasaaradda qorshayntu u qaadatay tirakoob gobollada dalka ka socda, isla-markaana taayiro ku gubay wadooyinka Magaalada Gabiley, ayaa waxa shalay halkaasi socdaal ku tagay Wasiirrada Wasaaradaha qorshaynta Dr Sacad Cali Shire iyo Warshadaha Abiib Diiriye Nuur, kuwaasi oo u hawl-galay inay xalilaan tabashooyinka ardayda Jaamacadda Gabiley iyo dhalinyarada kale ee ka cadhooday shaqaalaha tirakoobka ka wada halkaasi ee aan waxba lagaga darin, balse Hargeysa looga qoray.

Labada Wasiir, oo kaashanaya Maamulka Gobolka Gabiley iyo kan degmada ayaa soo afjaray Mudaharaadkii iyo cabashadii ardaydu arintaasi ka muujiyeen, sida uu leeyahay Wasiirka Wasaaradda warshadaha Abiib Diiriye Nuur “Arrintaasi way naga dhamaatay, wayna fiican tahay”ayuu yidhi. Waxaanu intaasi ku daray “Odayaasha na garab galay ee arinkaa nala xalilay waanu u Mahad-naqayaa”

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sheegay in tirakoobkan looga dan leeyahay in la mala-awaalo tirada shacabka reer Somaliland, si looga qiyaas qaadan karo isla-markaana loogu jaangoyn karo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada “Ujeedada laga leeyahay tirakoobka waa sidii loo qorshayn lahaa adeegyada bulshadeena”ayuu yidhi. Waxaanu intaasi ku daray in aanay jirin wax dhibaato ah oo tirakoobkan ka hor timid inkasta oo haddana dalku kala fog yahay “Dalkuna wuu kala fog yahay, waxaanan halkan ka caddaynayaa meel dhibaato innaga haysataana dalka ma jirto”

Dhanka kale, Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland, waxa uu mahad-celiyay Madax-dhaqameedka iyo odayaasha la xaliyey mudaharaadkii iyo cabashooyinkii kaga yimid ardayda iyo dhalinyarada reer Gabiley, kuwaasi oo sababi gaadhay in hawsha tirakoobku ka joogsato Gobolka Gabiley.

Tirakoobkan, ayaa waxa Wasaaradda qorshaynta qaranka ka caawinaysa hay’adda qaramada midoobay ee UNFPA.

Comments are closed.