Xukuumada Oo Daawanaysa Murashixiinta Puntland Oo Somaliland Ku Dhex Loolamaya

35
725

Garoowe (Geeska) – Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynenimo ee Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ku ololeysanaya xaalado ka taagan gudaha Somaliland, gaar ahaan duruufo siyaasadeed ee ka jira degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasi oo uu koox u badan Madax-dhaqameed uga socdo shir lagu tilmaamay in lagaga hadlayo waxa loogu yeedho Khaatumo.

Siyaasiyiinta tartanka ugu jira doorashada Madaxtooyada maamulka Puntland, ayaa olole ka dhiganaya in dadka deegaanka Sool ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan isla-markaana loo baahan yahay inaan xaalad dagaal la galin.

Hadalkan oo jawaab u ah hadal hore uga soo yeedhay Madaxwayne Ku xigeenka Maamulka Puntland oo nuxurkiisu ahaa inaan kooxda Khaatumo la baxday shir ku qabsan Karin Taleex, ayaa waxa si isku mid ah uu uga soo yeedhay Siyaasiga Xaaji Maxamed Yaasiin oo u sharaxan Madaxtinimada Puntland doorashada soo socota ee la filayo inay Puntland ka dhacdo, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaa ka hadlaya “Hadii la ilaalinayo ammaanka Garoowe oo hubka iyo wax walba aan loo ogolayn , maxaa ciidamo iyo hub loo dulgeynayaa oo loogu duulayaa Dadka degan Taleex ee aayahooda ka shiraya, Waa maxay waxa aan banneeneyn dhiiga Garoowe ee banneynaya dhiiga dadka reer Taleex”

Musharaxa Cali Xaaji Warsame, oo ah Maareeyihii hore ee shirkadda isgaadhsiinta Gollis isla-markaana ka mid Musharixiinta u tartamaya doorashada Madaxtooyada Puntland oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa isaguna ka hadlay shirka Taleex uga socda Isimada kooxda khaatumo la baxay oo hore maamulka Faroole uga hor yimid “Waxay ka shirayaan Mustaqbalkooda iyo sidii ay Puntland ula hadli lahaayeen, waxaan qabaa inaan duruuf dagaal la galin, waxa kale oo aan aaminsanahay inaan marnaba la caqbali Karin in xubnihii ay xaqa u lahaayeen ee muhiimka ahaa in xaafadaha lagu soo qorto, waxayna xaq u leeyihiin in Isimadii ay lahaayeen ay soo qoraan”ayuu yidhi.

Loolanka ku dhex maraya degmada Taleex maamulka Faroole iyo siyaasiyiinta Musharixiinta Madaxwayne ka ah halkaasi, ayaa waxa fursad siisay xukuumadda Somaliland oo sanadkii u dambeeyay ka seexatay la socodka xaaladaha bariga dalka, siiba gobolka Sool, oo mar walba Maamulka Puntland ay qorshaha ugu jirto inay maruun la wareegto gacan ku haynta guud ahaan Gobolka Sool, iyada Musharixiinta Madawaynenimo ee Puntland ololahooda ugu weyni yahay inay dib u soo celiyaan Gobolka Sool oo Somaliland kala wareegtay maamulkii Puntland ee Madaxwayne Cadde sanadkii 2007-dii.

Comments are closed.