Cuqaal Iyo Odayaal Cambaareeyay Xadhiga Badhasaab-xigeenkii Hore Ee Togdheer Oo Xidhan

0
527

Picture5Burco(Geeska)- Salaadiinta ,Cuqaasha ,Waxgaradka iyo dhalinyaradda ku dhaqan magaaladda Burco ayaa cambaareeyay xadhiga Xukuumadda Siilaanyo kula kacday Badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ,kaasi oo ay ku sifeeyeen mid ujeedooyin siyaasadeed laga leeyahay iyo kicin bulsho.
Odayaashan iyo dhalinyaraddan oo shir jaraa'id ku qabtay  habeen hore magaaladda Burco ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay si deg deg ah xoriyadiisa ugu soo celisi Guuleed Daahir Samatar oo ku xidhan Saldhiga Dhexe ee magaaladda Hargeysa .Waxaaney Xukuumadda ku eedeeyeen in ay wadanka ka wado xaalad-abuur ay ku tilmaameen in ay ku dooneyso Cimri-dherer iyo mudo kordhin.

" Waxaananu ku wargalinaynaa Xukuumadda oo aanu leenahay ,anagu mudaharaad ridi-mayno ,dhag-xaana tuuri-mayno ,waxa guriga Guuleed loogu dhacayna waa sharci-daro ,waxaananu u aragnaa in ujeedooyin siyaasadeed laga leeyahay iyo kicin dadweyne ,Waxaananu cadaynaynaa inay Dawladdu iyadu nabad-galyo daro abuurayso ,markaa si weyn ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga siyaasigan ,waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyay Guuleed Daahir " Sidaasi waxa yidhi Caaqil Cabdi Xasan Cunaaye oo ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer.

Maxamuud ismaaciil Jiir oo isna ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa " Waxaanu u aragnaa xadhiga Guuleed ee labadii habeenimo gurigiisa loogu daatay kicin dadwayne iyo iska horkeen bulshadda laga dhex-abuuraayay si rabshado u dhacaan isla markaana Xukuumadu mudo korodhsi loogu sameeyo . Waxa kale oo naga yaabiyay markii aanu maqalay Guuleed Kaantaroolka Haleeya ayaa lagu qabtay isagoo Burco ku soo socda,waa Guuleed Dawladda ma lacag ayuu ka soo dhacay Guuleed waa nin reer Burco ah ,Burco ka joog lama odhan karo ,Hargeysa deg-na lama odhan karo markaa waxaanu ugu baaqaynaa golayaasha qaranka in ay farogaliyaan xadhiga sharci-daradda ah ee ninkaasi lagu haysto si xoriyadiisa loogu soo celiyo " Sidaasi ayuu Oday jiir yidhi.

Sidoo kale waxa iyana ka mid ah ahaa dadkii halkaasi ka hadlay Suldaan Maxamed Muuse Cune iyo Dayib Cabdi Xirsi kuwaasi oo dhamaantood cambaareeyay xadhiga Guuleed isla markaana waxay Xukuumadda ugu baaqeen in ay si deg deg ah xoriyadiisa ugu soo celiso.

Geesta kale Hal Todobaad iyo maalmo ayaa laga joogaa markii Ciidamadda RRU-du gurigiisa magaaladda Burco kala baxeen saqdii dhexe Guuleed Daahir samatar kuwaasi oo ku xidhay xabsiga magaaladda Berbera halkaasi oo laga sii daayay ,laakiin laba cisho ka dib ayaa hadana magaaladda Hargeysa lagu xidhay .halkaasi oo uu weli  ku xidhanyahay.