Maraykanka Oo Maxkamad Soo Taagay Wiil Ciraaqi Ah Oo Tusay Ciidan Uu Watay Aabihii Oo Sarkaal Ka Ahaa Milaterigii Saddaam Iyo Sababta Uu Abihii U Basaasay (2)

0
836

Washington (Geeska)- Saraakiisha Maraykanka waxaa yaab iyo u qaadan waa ku noqday culayska xogta uu Jaasim siiyey iyo sida warkiisu uu u yahay mid sugan oo aanay carruurnimo ku jirin, waxa ay qaateen xaqiiqada ah in ay hadda kadib haystaan qasnad istaraatiji ah oo ay sirta ka heli karaan, sidaa awgeed wiilkii yaraa waxa ay u bilaabeen tababarro qarsoodi ah oo u ku basaasi karo aabihii iyo hadba cidda u timaadda aabihii waxa ay ku sheekaysanayaan, waxa ay bareen sida sirta loo xafidi karo iyo weliba farsamooyinka ugu fiican ee uu ku raad gadan karo ama iskaga ilaalin karo in la fahmo in maalintii uu u tago ciidamada Maraykanka. Muddo gaaban kadibna ciidamada Maraykanku waxa ay weerar culus ku qaadeen ciidamadii wax-iska-caabbinta ee uu Maraykanku watay oo ay dhammaantood dileen, halka wiilka yar aabihiina isaga oo nool ay gacanta ku soo dhigeen.

Markaa wixii ka dambeeyey Jaasim waxa uu noqday basaas rasmiya oo u shaqeeya Maraykanka, meelaha uuu xogta ka soo ururin jirayna waxaa ka mid ahaa hudheellada iyo suuqyada dadku isugu yimaaddo, waxa aanu si gaar ah Maraykanka ugu soo sheegi jiray meelaha hubka lagu qarsado iyo xataa marinnada lagala tallaabo hubka la isaga gudbinayo dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wiilkan yar ee aabihii Maraykanka u gacan geliyey waxa kale oo uu sabab u ahaa in ciidamada Maraykanku gacanta ku dhigaan 40 ruux oo ka mid ahaa hal-doorka raggii dagaalka wax-iska-caabbinta ah kala hor yimid Maraykanka iyo xulafadiisa, saraakiisha Maraykanka oo wiilkan yar magaciisa Jaasim uu beddelay Steve waxa ay afgarasho ahaan wiilkan u yaqaanneen, “Hubkii sirta ahaa”.

Waa maxay sababta wiilkani aabihii cadowga ugu dhiibay:

Waxaa hubaal ah in akhriste kastaa uu is weydiinayo sababta wiilkan 14 jirka ah ku kalliftay in uu Maraykanka u soo sheego halka uu aabihii ku dhuumanayo, haddaba Jaasim qudhiisa ayaa taas mar dambe oo uu weynaaday la weydiiyey waxa aanu ku jawaabay, “Aabahay si joogto ah ayaa uu ii garaaci jiray illaa markii aan aadka u sii yaraa, si arxan darro ah ayaa uu noo garaaci jiray aniga, walaalahay iyo hooyaday dhammaantayo. Sidaa awgeed waxa aan go’aansaday in aan ka aargoosto”

Jaasim markii uu warkiisu fashilmay waxaa qaaday Maraykanka, si looga ilaaliyo aargoosiga kooxaha hubaysan ee dalka Ciraaq, oo dhowr jeer sigay, kadib markii ay yimaaddeen guriga Jaasim qoyskoodu ka deggenaa dalka Ciraaq, aakhirkiina kooxahaas hubaysan ee Ciraaqiyiintu markii ay Jaasim waayeen waxa ay dileen hooyadii oo ay ku eedeeyeen in ay muddo qarinaysay inankeedan sharka ah, ee sababay in la xidho rag badan oo ka mid ah xoogagga dagaalka kala soo horjeeday Maraykanka ku soo duulay Ciraaq.

Jaasim Washington ayaa la geeyey, mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Maraykanka ayaana kafaalo qaatay, si loo barbaariyo, waxbarasho fiicanna uu u helo, laakiin markii ay da’diisu 19 sano gaadhay ayaa uu ku kacay fal-dambiyeed culus, gabadh aad uga da’ weyn oo deris la’ ahayd guriga la dejiyey Jaasim ayaa uu kufsaday, taas oo keentay in xabsiga loo taxaabo, maxkamadduna sidaas ku xukunto. In kasta oo shacabka reer Ciraaq badankoodu Jaasim u arkaan in uu yahay khaayin aabihii iyo dadkiisii cadow u dhiibay, haddana warbaahinta dalka Maraykanku marka ay warkiisa ka hadlayso waxa ay ku tilmaamtaa halyey qaran oo Maraykan ah, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay basaaskii ugu da’da yaraa abid ee caawiyey ciidamada Maraykanka. Dhammaaad.

Eeg Qaybtii 1-aad