Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Dil Ku Xukuntay Kooxdii Loo Haystay Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Iyo Kuwo Kale Oo Xadhig Lagu Xukumay

0
902

Picture8Hargeysa(Geeska)-Maxkamada dgobalka Hargeysa ayaa ku dhawaaqday xukunka dadkii ku eedaysanaa dilkii loo gaystay marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle, oo horaantii bishii March maydkeeda laga helay god laga dhex qoday gurigii lagu dilay.

Gudoomiyaha maxkamada gobalka Hargeysa Faysal Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyey sida uu u dhacay xukunka dadkii loo hayey dilkii marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, waxaanu tilmaamay in dadkii loo haystay falkaasi lagu riday  xukuno dil iyo xadhig ah.

Gudoomiyaha maxkamada gobalka Hargeysa waxa uu sheegay in gabadhii loo haystay dilkii marxuumada iyo saddex  carruur ah oo dhashay lagu xukumay xukun dil ah  waxaanu yidhi “ waxa lagu xukumay dadkii loo haystay dilkii marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle, xukunkuna waxa uu u dhacay sidan

“Muna Maxamed Cabdilaahi(Ina Faadumo Cali) oo 37 jir ah maxkamadu waxay ku xukuntay  qisaas dil ah, saddex caruur ah oo ay  dhashay oo kala ah , Maxamed Axmed Cabdi, Sakariye Axmed Cabdi, Farax Maxamed Cabdi afartaas qof waxay maxkamadu ku xukuntay xukun qisaas dil ah.”

 Gudoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi Oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxa kale oo ay  maxkamadu ku xukuntay Hana Cabdisalaan Ismaaciil oo 17 jir  toban sanno(10) oo  xadhiga ah taas oo sharcigu dhigayo in qofkii 18 jir ka weyn ee fal dil ah gaysato lagu xukumo dil wixii ka yarna lagu xukumi  karo xadhig u dhaxeeya 6 sano ilaa 15  sano qodobo sharciya ayaana dhigaya, Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi oo iyaduna ku eedaysnayd qodobada dilka ah oo ay masabidaysay gabadha Muna Maxamed Cabdilaahi waxaanu u celinay xoriyadeedii sababtoo ah baadi doonkii ay gabadhaasi baadi  doonaysay marxuumadii  ee ay kolba iyada daba socotay  ayey  ugu soo dartay  liiska, ka dib markii xafiiska xeer ilaalintu soo cadayn waayey  ayaanu xoriyadeeda u soo celinay, Cabdisalaan Ismaaciil Maxamed oo ah ninkii qabay gabadha Muna markii uu dilku dhacayey waxa uu ku maqnaa magaalada Berbera muddo bil ahna gabadha way  kala maqnaayeen isagana xoriyadiisana waanu  u soo celinay, Maxamed Xasan Cabdi oo  markii  baadhistu socotay  majarahabaabiyey ciidanka iyo eheladii marxuumada  oo sheegay inuu marxuumada ku arkay tuulada Kala Baydh   waxay  maxkamadu ku xukuntay hal sano  oo xadhig ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha maxkamada gobalka Hargeysa Faysal.

Xukunkan ayaa soo afjaraya dacwadii ugu adkayd ee soo marta maxkamadaha Somaliland, waxaanay kooxdan dilka lagu xukumay marxumada ku dhex dileen gurigooda ka dib markii ay ugu doonatay lacag ay ku lahayd. Markii ay marxuumada dileen waxa ay ku rideen god ay guriga ka dhex qodeen, kaas oo ay ciidamada Boolisku markii dambe baadhis dheer ka dib ka soo saareen. Alle haw naxariisto marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle