Waa Maxay Xiiqdu? Mohamed Shucayb Ahmed Marty

0
1015

Xiiqdu waa caabuq joogto ah ama daba dheerada oo aan lahayn daawo rasmi ah kaasi oo haleela ama ku dhaca  marinada hawada ee ku dahaadhan jidhka  kuwaasi oo sababa in xuubabka xabka ee  jidhku bixiyaan  uu muujiyo dareen diidmo ah too uu kaga jawaabayo isbedeladan ku dhacay marinada hawada ee jidhka taasi oo sababta in qofku hawada si fiican u qaadan waayo laguna arki  qufac.

ddd

Dadka qaba xiiqdu aad bay u dareeman una dhibsadaan (xasaasiyad, Cabida sigaarka dhaska ama boodhka , hawada wasakhaysan, ceeryaanta (dhedo) hawada qallalan, dhaxanta, gaasta ama shidaalka, urta adag, daalka, dawooyin, jidhka oo laga shaqaysiiyo, infekshan sababa )  dadka qaba xiiqdu neef qaadashadu waa wax marna qabta marna sii daayaa.

Xiiqdada oo aad kantarooli weydaa waxay sababtaa inaad saxiib ama daris la ahaato mar walba ku soo noqnoqoshada qaybaha gargaarka degdega ah ee cusbitaalada, sidoo kale daweynta xiiqta iyo kantarool la’aanteedu waxay sababtaa dhimasho.

Waa maxay sababta keenta cidhiidhiga?

Sida la sheego ama cilmiyahanada caafimaadku tilmaaman xiiqda waxa kicin kara waxyaabo kala duwan   ilaa imika se wax cad oo loo aaneyo ma jirto waxaase sabab looga dhigaa in lagu kala dhaxlo hidaha aa genetics waxaanay aad ugu badan tahay inay xiiqdu haleesho badanaa caruurta leh xasaasiyada, waxyaalaha kale ee loo anayn karo inay sababaan xiiqda waxa ka mid ah

Xasaasiyada , caabuqa ku dhaca sambabada qaar iyo deegaanka aad ku nooshahay oo anay ahayn hawadiisu mid saafi ah ama nadiif ah .

Maxaa ku dhaca hawo-mareenka?

waxa muhiim ah caadi ahaan inaad taqaano sambabadaadu siday u shaqeeyaan si aad u ogaato caadi ahaan waxa dhaca marka ay neeftu ku qabato.

Markaad neef qaadato hawadu waxay ka soo gashaa jidhkaaga sanka iyo afka ka dib waxay uga gudubtaa oo hoos u raacdaa hunguriga cad Windpipe iyadoo sii dhex mareysa kiishashka hawada ka dib hawadu waxay raacdaa dhiiga iyadoo lagu bedelayo hawadii la isticmaalay ee jidhkaaga dibada looga soo sarayo ama CO2  loo yaqaan

Hadaba inta ay socot xaalada neef qabashada ama naqasku ku hayo way adag tahay inuu qofku neefsado maxaa yeelay  waxa dhaca :

isku soo dhawaansho ku yimaada   muruqyada neef-mareenka ku xeeran kuwaaso cidhiidhi geliya neef qaadashada.

Caabuq  ku yimaada xuubabka xabka ee neef-mareenka taasi oo ay ugu wacan tahay infection ku dhacay xuubabkaas.  Caabuqani wuxuu keenaa barar ku yimaaada xuubka xabka  taasi oo sababta in  laabta qofka ay cidhiidhi gasho. Shaqada jidhku samaynayo ee hawada uu ku soo qaadanayo ay badato, taasi oo  keentaa in qofku dareemo neefsashada oo ku adkaata.

xab ku ururay neef -mareenka.

Astaamaha Xiiqda

Waxa ka mid ah

Qufac

Neef qaadasho yar

Hiinraag

Laabta oo soo tagan ama adkaata

Hurdada habeenkii oo ku adag qofka iyadoo anay jirin calaamado ka muuqda

Qufac iyo hiinraag dheerad ah haddii uu sababay jeermiska fayraska ee mararka qaar sababa

Ma jiraan calaamado kaaga digi kara neef qabashada

Neef qaadashada oo adkaata ama yaraata mararka qaar waxay ku timaada si kama’ ah ama lama filaan ah hadaba waxa jira waxyaabo ama calaamado kuu sheegaya inay neeftu kugu adkaanayso ama naqasku ku qabanayo waana muhiim inaad astaamaha aad u taqaana waxaan ka mid ah

Duuf badan oo soo dareeraya

Qufac

Neefsasho gaaban

Hurdo la’aan habeenkii ah

Cunto xumo

Cabirka hawo marida oo hoos u dhaca peak flow meter

Yey xiiqdu ku dhacdaa?

Xiiqdu waxay noqon kartaa mid la kala dhaxlo waxaanay badanaaba wadataa canbaar iyo xasaasiyad waana dadka badanaa halista ugu jira uguna badan inay ku dhacdaa waa dadka eheladooda ama qoyskoodu xanuunkan qabaan sidoo kale caruurta leh xasaasiyadu aad bay halis ugu jiraan inay ku dhacdo xanuunkan xiiqdu .

Xiiqda nooca aan dhaxalka ahayn waxaa sabab u ah qofka oo infekshan ama caabuq  kaga dhaco hab dhiska  neef-mareenka, ama waxyeelo ay ku keentay hawo wasakhaysani ah iyo weliba sigaar cabida kuwaasi oo ah dadka ay fursada ay ku qadi karaan xanuunkani badan tahay .

Sida xiiqda loo daweeyo

Ujeeddada laga leeyahay daweeynta xiiqdu waa in uu qofku la noolaado isaga oo aan dareemeyn dhibaatada xiiqda sidoo  kale laga hor tago  caqabado  ama khalkhal ku yimaada nolol maalmeedkiisa, sidoo kale soo ujeedada laga leeyahay daaweynta waxa ka mid ah soo booditaanka xiiqda oo yaraada iyo sambabada oo si fiican u shaqeeya.

Hadaba  Nuugitaanka dawooyinka xiiqda ayaa ah kuwa la isticmaalo marka la daweeynayo xanuunkan. Daaweyntu waa in ay noqotaa mid loo qiyaasay qofka qaadanaya oo loogu talagalay, marka ay noqoto qiyaasta iyo inta goor ee uu nuugayo dawada.

· Daawooyinka muddada gaaban wax tara. Waxaa la isticmaali karaa marka qofka uu naqasku qabto ee neefsashadu ku adkaato. Waxaa kale oo uu qofku isticmaali karaa ka hor inta aanu samayn hawl jidhka firfircooni galinaysa oo khibrad ahaan ka mid ah sababaha keena in qofka naqasku ku adkaado. Daawadani waxa ay shaqeysaa muddo 3-4 saacadood ah.

· Daawooyinka muddada dheer shaqeeya. Waa kuwo qofka xiiqda qaba ka joojin kara kicitaanka xiiqda muddo dhan ilaa 12 saacadood.

· Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Kortison” oo la nuugo, subaxdii iyo habeenkii ayaa la qaataa (maalin kasta). “Kortison” oo sidan loo qaataa waxay keenaysaa in aanay dhicin in uu qofku dareemo waxyeelada dawadu keento ee laga qaadi karo “kortison” marka loo isticmaalo kiiniin ahaan.

· Dawada xiiqda ee ka hortaga. ”Leukotrien-antagonist”  waxaa keliya oo la helaa iyada oo kiniin ah, waxaa la liqaa maalintii hal mar. Waxaana ay wax ka tartaa caabuqa ku dhaca xuub-xabeedka sanka ee loo yaqaano „rhinits“.

· Dawooyinka isku jirka ah waa qaar isku dar ah oo  ka kooban kuwa ka  hortaga  iyo kuwa difaac waxaanay kuwada jiraan weel keliya

· Qofka xiiqda nooca khatarta ah leh waxaa muhiim u noqon karta in uu isticmaalo ”kortison” nooca kiniinka ah. Waxaa arintan loo samayn karaa iyada oo qofka la siiyo daaweyn la soo habeeyey ama mararka qaarkood dawo isku ilaalin marka ay xiiqdu tahay mid khatar ah. Daaweynta noocan ahi waxay si weyn wax uga tartaa caabuqa hawo-mareenka. Inta badan dawada la soo habeeyey waxaa ay socotaa laba toddobaad.

Sidee loo ogaan karaa in xiiqdu xakamaysan tahay ?

Qofka si fiican neeftiisu u xakamaysan tahay ama ilaaliya xiiqdiisu waxa uu dareema

Waxa uu dareema firfircooni dheerada ah waxaanu uga qayb qaata jimicsiyada iyo ciyaaraha sida qofka caadiga ah

Inaad si fiican u seexato habeenkii oo anad dareemin wax hurdo xumo ah ama neef qabada sida qufac , hiinraag  iyo cabudh

Hadaba markaad isla hesho dawo tayo leh iyo ka hor tag wanaagsan waxa aad awooda

Inaad si fiican uga hor tagto neef qabatinka

Inaad ka maaranto la saxiibka ama booqashada qolalka degdega ah

Iyo in xiiqda laguu dhigo cusbitaal ama laguu jiifiyo si lagaga daweeyo

Ka hortaga xiiqda

Adiga iyo caruurtaaduba waa inaad taqaanan waxyaalo fara badan oo la xidhiidha xiiqda si aad u xakamayn kartaan ugana hor tagi kartaan

Sababaha ugu wacnaan kara in xiiq la qaado ayaa ah qaar kala duwan. Xasaasiyaddu waa qayb muhiim ah, waxaana jirta in inta ugu badan ee carruurta xiiqda leh ay sidoo kale leeyihiin xasaasiyad. Waxaa arintan ugu wacnaan kara hidde. Xiiqda carruurta marka ay yaryar yihiin ku dhacda marka la barbar dhigo ta ku dhacda dadka waaweyn waxyaabo badan ayay ku kala duwan yihiin. Laakiin sigaarka oo uu qofku hawada ka qaato, iyo infekshanada ayaa ah khatar ay isaga mid yihiin.

Cilmi baadhayaashu weli ma oga sababta ay u badanayso xiiqdu dadka ay ku dhacaysaa. Lakiinse waxay u aaneeyaan  sababo la xidhiidha xagga deegaanka , iyo qaar xagga hab nololeedka ahba.

Talo muhiim ah oo lagaga hortagi karo in ilmaha xasaasiyadi ku dhacdo isla markaana ay sii noqoto xiiq, waxa weeye in laga fogaado cabida sigaarka aan lagu ag cabin sidoo kale laga fogeeyo wixii wasakh ah ee la soo gudboonaan kara deegaanka uu ku nool yahay.

Carruurta ka soo jeeda walidiinta qaba xiiqda waxa loogu yeedho caruuraha  khatarta sare ugu jira qaaditaanka xiiqda, taasi oo ay ugu wacan tahay  iyadoo  dhaxalku qayb muhiim ah ka yahay qaaditaanka xiiqda sidoo kalena ilmahasi qaadi karo xasaasiyad.

Ka digtoonow cabida sigaarka, qiiqa hawada wasakhaysan iyo wixii kugu kicin kara xasaasiyada sida daawoyinka qaar , cuntada iyo cadarada la marsado .

Guntii iyo gabagabadii waxaad samayn kartaa daaweyntan adiga oo gurigaaga jooga

Inaad isku uumiso biyo diiran

Sidoo kale aad joogtayso isticmaalka malabka haddii anad ku lahayn xasaasiyad

Jimicsi sahlan

Isticmaalka toonta iyo sinjibisha

Cabitaanka bunka

Iyo inaad jidhka mariso saliid diiran

Waxaan rabi swt uga baryayaa inta xanuunkan la nool ba inuu ka badbaadiyo dhibaatada xanuunkan waxaan bukaan walba kula dardaarmayaa inuu xasuusnaado allah swt taladana saarto dawada loo soo qorana si fiican u qaato