Man United Oo Aduun Dhan 40 Malyan Duldhigtay Xidiga Inter Milan Ee Joao Mario

0
2025

Manchester United ayaa u dhaqaaqi doonta soo xerogalinta xidiga ku rafaadsan garoonka San Siro Ee Joao Mario, balse waxey kaliya talaabadaas qaadi kartaa marka uu kooxda ka baxo Henrikh Mkhitaryan sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska.Kabtanka xulka Armenia Herikh Mkhitaryan waxaa la rajeynayaa inuu isaga tagi doono garoonka Old Trafford bishaan madama uu wax saameyn ah ku yeelan waayay kulamadii ugu dambeeyay kooxdiisa, walow uu shan gool ka caawiyey dhalintooda  shantii kulan ee furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan.Inter Milan ayaa dooneysa iney sidoo kale xidigaan heerka caalami lasoo saxeexato, iyadoo Joao Mario durba laga xiiseynayo Old Trafford.Wargeyska The Sun wuxuu baahiyay in Jose Mourinho uu damacsan yahay inuu dalbado Joao Mario hadii uu Mkhitaryan isaga guuro garoonka Old Trafford.Red Devils waxey diyaar u tahay iney bixiso qiimo dhan 40 Malyan oo Pound waana lacagtii ay Inter Milan xidigaan kaga soo iisbatay Sporting Lisbon xagaagii lasoo dhaafay.Dhanka kale warbixinta waxaa lagu daray in Jose Mourinho uu aaminsan yahay Joao Mario inuu badal sax ah u noqon karo Michael Carrick oo xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ku qaadanaya kooxda Red Devils.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here