Halkay Maraysaa Arinta Philippe Coutinho Ee Kooxda Barcelona?

66
4401

Wararka xanta ee Philippe Coutinho la xidhiidhinayo Barcelona ayaa mar kale cirka galay madaama la galay bisha January ee suuqa kala iibsiga, waxaana la fahamsan yahay in kooxda ka dhisan Camp Nou ay sameyn doonto isku day kale madaama ay ku fashilmeen raacdadii ay u galeen intii lagu jiray suuqa xagaagii laga soo gudbay.Shabakadda Don Balon ee laga leeyahay dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in todobaadkan gudahiisa lagu dhawaaqi doono heshiiska Philippe Coutinho, sidoo kalana uu caafimaadka mari doono maadaama lagu heshiiyay wax walba oo ku saabsan arinkiisa.Sida warbixinta lagu sheegay waxaa la rajeynayaa iney bixiso aduun dhan 100 Malyan oo Pound oo sare ugu kici kara 150 Malyan oo Pound marka la raaciyo gunooyin lagu xiidhi doono xaaladaha gaarka ah.Warbixinta Don Balon waxey kusoo aadeysaa xilli Philippe Coutinho uu seegay kulankii Burnley iyadoo ayna jirin dhaawac laga warqabay, balse Jurgen Klopp uu ka hor kulanka saxaafadda u sheegay inuu dhaawac uga maqan yahay safka kooxda.Dhinaca kalana shirkadda qalabka ciyaaraha sameysa ee NIKE ayaa ku baahisay boggeeda lagu iibiyo Garamada Barcelona in maaliyadda Coutinho ay dhawaan heli doonaan taageerayaasha inkastoo laga tiray warbixinta, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Liverpool ay maxkamad la kori doonto shirkadda.Intaas waxaa sii dheer in wargeyska AS ee Spain kasoo baxa uu shaaca ka qaaday in Philippe Coutinho uu heshiis shan sano ah u saxiixay Barcelona.Lama oga xaqiiqada dhabta ah ee jirta, balse wararkaan waa xan ay qoreen warbaahinta dalka Spain – kuwaas oo mar walba ku hawlan iney kiciyaan xaaladda labada dhinac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here