Wasiirka Isgaadhsiinta Itoobiya Oo Ka Hadlay Isticmaalka Dekedda Berbera Iyo Heshiiska Labada Dal Dhex Maray

0
525

ggggggAddis Ababa (Geeska)- “Itoobiya ayaa saxeexday heshiis ay kor ugu qaadayso ganacsiga u soo mara dekedda Somaliland ee Berbera xilli uu cidhiidhi badani xannibay adeeggii dekedda dalka deriska la’ah ee Jabuuti, ayaa ay yidhaahdeen masuuliyiinta Itoobiya” Ereyadan waxaa lagu bilaabay warbixin uu diyaariyey wariye William Davison oo ka tirsan Shabakadda Bloomberg ee dalka Maraykanka, waxa aanay intaas ku sii dartay in labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya ay dib isula eegeen qiimaha lacagta ay Somaliland ka qaadayso badeecadaha u soo degaya Itoobiya (Tacriifadda) iyo Guddi loo magacaabay maamulidda hawlaha wadaagga ah, taas oo qayb ka ahayd heshiis labada dhinac dhexmaray Shan malamood ka hor oo ahayd 31kii Maarij, sida uu Isniintii Shalay Bloomberg u sheegay Sharma’arke Jaamac oo dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga kala taliya wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Warbixintan oo ay shabakadda Bloomberg faafisay fiidnimadii xalay ayaa wasiirka Isgaadhsiinta ee Itoobiya ka soo xigatay in Qorshe Horumarineedkii Shanta sannadood ahaa ee Itoobiya ay faafisay sannadkii 2010ku uu dhigayey in laga bilaabo bishii Toddobaad (July) ee sannadkii hore ay Itoobiya dekedda Berbera kala soo degto boqolkiiba 30 ganacsigeeda ah, laakiin aanay taasi fulin oo boqolkiiba 97 wax-yaabaha ay soo dejisato Itoobiya ay weli soo maraan dekedda Jabuuti.

“Sababtuna waa dhibaato ka timid awoodda iyo xaaladda dekedda Berbera, jidadka ku xidhaya Itoobiya oo aad u liita iyo weliba aqoonsi la’aanta caalamiga ah ee qarannimada Somaliland sheeganayso” ayaa uu yidhi wasiirka gaadiidka Itoobiya Workneh Gebeyehu, oo sheegayey sababta keentay in Itoobiya aanay weli fulin go’aankeedaas ahaa in boqolkiiba 30 waxa ay soo dejisataa ay soo maraan dekedda Berbera. Wasiirka oo Bloomberg talefanka ugu warramayna waxa uu intaas ku sii daray, “Imika, Arrintaas runtii wada xaajood ayaa aanu ka galnay, waxa aananu go’aansannay in aanu dhaqso ugu dhaqaaqno isticmaalka dekedda Berbera” Laakiin wasiirka oo weli sii muujinaya dareenka uu ka qabo awoodda shaqo ee dekedda Berbera ayaa sheegay in aanay weli caddayn tirada Maraakiibta sida Shixnadaha Itoobiya ee ay dekedda Berbera awoodi doonto in ay halkii mar la macaamisho. In kasta oo uu jiro qorshe ah in Itoobiya ay Dhuxul-dhagax kala soo degto dekedda Berbera, sida uu wasiirku sheegay, laakiin waxa uu sheegay in dekedde Port Sudan ee dalka Sudan ay iyadu bilowdayba in ay quudiso dhinaca woqooyi ee Itoobiya.

Dhinaca kalana warbixintu waxa ay sheegtay in guddida labada dhinac ee la magacaabay ay ka wada shaqayn doonto, habsami u fulinta heshiisyada laba-geesoodka ah iyo horumarinta hawl-socodsiinta ganacsiga u gudbaya Itoobiya. La-taliyaha wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland Md. Sharmaarke ayaa sidaas ku sheegay e-mail uu kaga jawaabayey su’aalo ay shabakadda Bloomberg soo weydiisay.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Itoobiya ay in ka badan laba-laab kordhisay badarkii (Sida, Qamandi) ay la soo degtay 12 kii bilood ee u dambeeyey, iyada oo sida la og yahay abaaro dalkaas ka dhacay ay cunto la’aan badeen qiyaas ah Shan meelood meel dadka dalka Itoobiya oo tiradooda guud caga-cagaynayso 100 Milyan. Bishii ina dhaaftay ee Maarij 24-keedii Toban Markab oo sida 450 kuno oo ton oo Qamandi ah ayaa ku xidhnaa dekedda Jabbuuti oo sugayey in laga rogo raashinkan.

Sharmaarke waxa uu Bloomberg u sheegay in masuuliyiinta dekedda Berbera ay wada xaajood la xidhiidha isticmaalka dekedda la’ leeyihiin masuuliyiinta Haayadda horumarinta dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Sida ay Qaramada Midoobey sheegaysana Bishii Feebarweri haayadda cuntada adduunka ee WFP waxa ay dekedda Berbera marisay 40 Kun oo Metric Ton oo ahaa Qamandi caawimo ah oo Itoobiya lagu qaybinayey.

Ugu dambayntiina waxa ay warbixintu sheegtay in Sharmaarke uu u caddeeyey in Somaliland kala dooranayso shirkadaha Bollore SA, P&O oo ay leedahay shirkadda Dubai Ports World, MSC Group’s Terminal Investment Ltd iyo Prime Afrika tooda ay ku wareejinayso mashruuca dib-u-habaynta dekedda Berbera.