Mahaathiir Muxammed: Dhakhatarkii Daweeyey Dhaawacii Dhaqaale iyo Bulsho Ee Dalkiisa (Q. 2)

0
594

Mahaatiir yaraantiisii waxa uu iibin jiray quraaca iyo muuska si uu u kabo dakhliga qoyskiisa oo aad u hooseeye.

Mahaatiir Maxamed waalidkii kaalinta uu wiilkoodu ku leeyahay la kifaaxidda duruufaha adag ee saboolnimadu ma’ay illowsiin in ay waxbarashada kula dadaalaan. Waxa uu ahaa arday ma dale ah. Taas oo ku imanaysay barbaarinta aabihii oo ku dhiirrigelisay waxbarashada iyo in aanu waqti badan gelin wax aan waxbarasho ahayn. Imtixaankiisii dugsiga gelitaanka dugsiga sare waxa uu afka Ingiriisiga keenay dhibco aad u sarreeya oo u suurtageliyey in uu galo dugsi afkaas ku baxa, taas oo sabab u ah in uu afka Ingiriisiga.

Dagaalkii labaad ee adduunka, gaar ahaan markii ay Jabbaan qabsatay dhulka Malaysiya waxaa la xidhay dugsiyadii waxbarashada oo dhan. Mahaatiir ma’ uu fadhiisan ee waxa uu bilaabay dadaal shaqo gaar ahaan ganacsiga hoose. Waxa aanu ibiin jiray bunka, muuska iyo cuntooyinka fudud.

Dagaal weynihii kaddib, waxa uu dib u sii ambaqaaday waxbarashadiisii dugsiga sare kaga joogsatay, waxa aanu dugsiga sare kaga qalinjebiyey dhibco aad u sarreeya gaar ahaan maaddooyinka sayniska, taas oo u suurtagelisay in uu uu galo jaamacadda caafimaadka ee la odhan jiray King Edward VII College of Medicine oo ku taallay Singapore imikana loo yaqaanno jaamacadda qaranka Singapore. Inkasta oo uu bilowga jaamacaddan caafimaadka ka hor soo dhigtay kuliyad ku taalla degmada uu ku dhashay oo lagu magacaabo Suldaan Cabdalxamiid. Sannadkii 1953 kii ayaa uu Mahaatiir Maxamed ka qalinjebiyey jaamacadda King Edwar VII College  oo uu ka qaatay shahaadada caafimaad ee loo yaqaanno ‘MBBS’. Oo ah cilmiga dhakhtarnimada iyo qalniinka.

Shahaadada jaamacadeed ee Caafimaadka guud iyo qalniinka oo magaceeda loo soo gaabiyo MBBS waxaa laga keenay ereyada ‘Bachelor of Medicine, Bachelor of Surgery’. Waa darajo waxbarasho oo isugu jirta caafimaadka guud iyo qalniinka, waxaana inta badan qaata ardayda caafimaadka 5 illaa 6 sano oo jaamacadeed ah dhigta ee jaamacadaha raaca nidaamka soo jireenka ahaa ee Ingiriiska, waana shahaadada koowaad ee la dadka barta dhakhtarnimada. Waxa aanay u dhigantaa shahaadada Digtoor ee afka ingiriisiga lagu yidhaahdo Doctor of Medicine loona soo gaabiyo MD oo ah darajo mihnadle dhakhtarnimo oo ay bixiyaan jaamacadaha raaca nidaamka waxbarasho ee Maraykanku.

Intii u waxbarashada caafimaadka ku jiray Mahaatiir waxa uu xidhiidh jacayl dhex maray Siti Xaasimah Maxamed Cali oo ay kuliyadda caafimaadka ka wada tirsanaayeen. Waxbarashada kaddib, waxa uu bilowgii dhakhtarnimo kaga shaqeeyey hay’adaha caafimaadka ee dawladda. Laakiin sannadkii 1956 kii waxa uu bilaabay in uu iskii ugu shaqaysto mihnaddiisa caafimaad, xarun caafimaad ayaanu ka sameeyey degmadii uu u dhashay ee Aloor Sitar. Isla sannadkaana waxa uu guursaday Siti Xaasimah.

Mar dambe ayaa uu Mahaatiir Maxamed dib ugu noqday fasallada wabarashada, sannadkii 1967 kii ayaanu jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ka qaatay takhasus ah xidhiidhka caalamiga ah.

Mahaatiir Maxamed waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda ama dhiig ku leh isirka Malaayga ee dhakhtarnimo kaga shaqeeya Malaysiya, weliba waxa uu noqday dhakhtar aad loo jecelyahay. Maalgeli badan oo uu ka helay ganacsato badan oo soo dhoweysay ayaa uu ka dhistay guri weyn, waxa aanu maalgashaday ganacsiyo kala duwan.

Mahaatiir Maxamed waxa uu dhalay afar carruur ah, waxa aanu korsaday oo uu aabonimo ugu qoranyahay saddex carruur ah.