FACEBOOK ayaa Sheegay In Shaqaalaheeda Boqolkiiba 50 Aanay 10 Sano Xafiisyada Shaqo U Iman Doonin

0
605

Marck Zuckerberg aasaasaha, ahna agaasimaha shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa shaaca ka qaaday in kala badh shaqaalaha shirkaddu ay muddo shan illaa toban sano ah ku shaqayn doonaan guryahooda ama meelaha kale ee iyaga u gaarka ah iyaga oo adeegsanaya internet ka.

Zuckerberg oo ka hadlay shir ay lahaayeen shaqaalaha shirkaddan xidhiidhka bulshada ee ugu weyn adduunka waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in Facebook ay noqoto dunida shirkadda shaqaalaheeda ugu badani ka soo shaqeeyaan meelo ka baxsan xafiisyadeeda.

Shirkadda oo ay shaqaalaheedu muddooyinkii u dambeeyey guryahooda ka soo shaqaynayeen, xayiraadaha uu sababay Coronavirus awgeed ayaa hore u sheegtay in boqolkiiba 95 shaqaalaheedu ay inta sannadkan 2020 ka ka hadhay sii wadi doonaan ka soo shaqaynta guryaha. Isla markaana aanay shirkaddu inta ka horreysa bisha Julaay 2021 ka qaban doonin shaqo ama kulan hawleed ay ka soo qaybgelayaan wax ka badan 50 qof.

Dhinac kalana sahamin ay shirkaddu ku samaysay waxsoosaarka shaqaalaheeda ayaa ay ku ogaatay in tiro ka badan boqolkiiba 50 oo shaqaalaheeda ka mid ah uu waxsoosaarkeedu boqolkiiba 50 intii caadiga ahayd ka kordhay muddadii Coronavirus awgeed guryahooda ay shaqada shirkadda ka soo dhex qabanayeen. Halka boqolkiiba 20 illaa 40 shaqaalaha ka mid ahi ay muujiyeen sida ay u danaynayaan in shaqadooda si rasmi ah loogu beddelo mid ay guryahooda ka soo diraan, oo aan xafiisyada imaatinkooda laga rabin. Inkasta oo kalabadh shaqaalaha kam id ahina ay dalbadeen in xafiisyadooda dib loogu celiyo waqtiga ugu horreeya ee suurtagal ah.

Zuckerberg, guddoomiyaha shirkaddan oo ay tirada shaqaalaheedu 45 kun yihiin ayaa mar hore oo uu warbaahinta la hadlay waxa uu ka warramay waxyaabaha ay ku fiican tahay in shaqaaluhu ay guryahooda shaqada ka soo qabtaan, taas oo ay ka mid tahay; in ay yaraynayso dhaqaalaha shirkaduhu ku bixiyaan xarumaha iyo hawlaha shaqo ee xafiiska iyo in aanay shaqada ka tegayn shaqaalaha laga yaabo in marka hore ay shaqada uga tegeyeen meelaha ay ka deggen yihiin dalka oo sababo u gaar ahi ku qasbaan in ay ka guuraan, maadaama oo magaalo kasta iyo degaan kasta oo ay degaanba ay u baahan yihiin keliya in ay internet ka adeegsadaan si shaqada ay u qabtaan.