Magacyada Wasiirada iyo Masuuliyiinta Cusub

3
608

Siilaanyo11(Geeska) Madaxweynaha Somaliland ayaa soo saaray maanta liiska wasiirada cusub, kadib markii uu sameeyey isku shaan dhayn dhanka golihiisa wasiirada iyo qaar ka mida hay’addaha dawliga ah. 

War saxaafadeed laga soo saaray qasriga madaxtooyada oo uu ka saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadu ayaa lagu shaaciyey magacaabista wasiirada cusub. 

Masuuliiyinta cusub ee xilalka loo magacaabay waxaa ku jiro xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, gaar ahaana gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.  

Wasiirada Xilalka Cusub Loo Magacaabay

 

1. Cabdicasiis Maxamed Samaale           Wasiirka Maaliyadda

 

2. Axmed Cabdi Xaabsade                       Wasiirka hawlaha guud

 

3. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe)           Wasiirka Warfaafinta

 

4. Cali Siciid Raygal                                  Wasiirka Ciyaaraha

 

5. Maxamuud Axmed Bare                      Wasiirka Shaqada iyo                arrimaha bulshada

 

6. Cabdilaahi Abokor Cismaan (Garaad) Wasiir ku xigeenka daakhliga ee dhinaca amniga, halka wasiir ku xigeenkii horena ahaan doono wasiir ku xigeenka arrrimaha maamkulka ee wasaarada arrimaha gudaha

 

7. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)    Wasiiru Dawle Cusub oo Wasaarada maaliyada ah

 

8. Mawliid Maxamuud Ibraahim             wasiir ku xigeenka arrimaha dibada

 

9. Nuux Sheekh Muuse Ducaal               Gud hay’adda shaqaalah

 

10. Maxamed Cumar Cabdilaahi            Gud ku xigeenka hay’adda shaqaalaha

 

11. Axmed Xuseen Oomane                     Wakiilka Somaliland u Fadhiya Dalka South Sudan

 

Waryagska Geeska Afrika

Deskak News

Hargeisa-Somaliland

Comments are closed.