War Deg Deg Ah:- Madaxweyne Siilanayo Oo Xilalkii Ka Qaaday Tiro Wasiiro Ah Iyo Masuuliyiin Kale

8
765

SiilaanyoHargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka shaaca ka qaaday inuu xilkii ka qaaday wasiiro hor leh. 

Maxaweynaha oo maalmahanba laga filaayey inuu sameeyo isku shaandhayn dhanka golaha wasiirada ah ayaa soo saaray tirada wasiirada xilka uu ka qaaday, waxaanay isugu jiraan wasiiro miisaan culus ku leh xukumadiisa. 

Waxaa sidaas lagu shaaciyey war saxaafadeed goor dhawayd ka soo baxay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, kaas oo nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska wararka ee wagyaska geeska Afrika,  waxaana ka mida wasiirada xilka laga qaaday. 

Wasiirada Xilka Laga Qaaday

1.    Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi

2.    Wasiirkii hawlaha guud iyo guryeynta Prof Ismaaciil Muumin Aare

3.    wasiirka wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac

4.    Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday

5.    Wasiirkii ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye

6.    Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibada Maxamed Yoonis Cawaale

7.    Gudoomiyihii hay’adda shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaacil

8.    Ku xigeenka hay’adda shaqaalaha Axmed Cali Xirsi (Sulub) 

Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa isugu jira kuwo war baahintu hadal haysay maalmihii la soo dhaafay, hase ahaatee waxaan ilaa hada ku jiro wasiiro si weyn loo saadalinaayey inay galaafto seefta madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doonaa magacaanta iyo xilalka cusub ee loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee cusub.

 

Waryagska Geeska Afrika

Deskak News

Hargeisa-Somaliland

Comments are closed.