Magacyada Saddexda Qof Ee Ku Guulaystay Tartankii Sheeko Iyo Shaahid

0
1445

Picture2Hargeysa(Geeska)-Tartankii curinta sheekooyinka gaagaaban ee Sheeko iyo Shaahid oo sannadkii lixaad ay ka qaybgaleen ku dhawaad afartan qof oo soo qoray sheekooyin kala duwan, ayaa lagaga dhawaaqay Carwada Buugaagta ee Hargeysa ugu dambantii saddexdii qof ku guulaystay kaalmahii ugu horeeyay iyo sheekooyinkoodii.

 

Waxa tartankan curinta sheekooyinka kaalinta koowaad ku guulaystay Xamse Cabdi Ibraahin(Qoorcade) oo ka mid ahaa xubnaha naadiga akhristayaasha ee Halkaraan,waxaana sheekada uu ku guulsatay ay ahayd (Baadigoobkii Jannada Bayhoofkii Ka Dambeeyay) oo ah sheeko ka hadlaysa wiil yar oo reer miyi ah ugu horaynta balse imanaya magaalada oo uu jeclaanayo ku noolaanshaheeda,ka dibna daryeel badan inta uu ka waayo ka galaaya masjid, halkaas oo ay ka helayaan kooxaha caruurta ku dhiiri galiya is qarxinta oo wiilkaas ku qancinaaya inuu is qarxiyo si uu ku gaadho janada.

 

Sida oo kale kaalinta labaad waxa ku guulaystay Sadaam Xuseen Carab oo ku soo baxay sheeko magaceedu uu ahaa (Maalmahii Madoobaa),halka kaalinta saddexaad ee tartankan sheeko iyo shaahidna uu ku guulaystay Cabdiqani Xasan Ismaaciil oo sheekada uu tartankan kaga soo qaybgalayna ay ahayd (Waayihii Weris Mooge Iyo Qoyskeeda)

Tartankan sheeko iyo shaahid ayaa la qabtay markii lixaad oo xidhiidh ah,waana mid barbar socda Carwada Buugaagta ee Hargeysa oo la qabtay markeedii lixaad, waxaana sheekooyinkan dadka ka qayb qaadnayaa ay ka soo qaybgalaan inta ka horaysa bandhigan.