Ciidamada Booliska Oo Burco Ka Soo Qabtay Mid Ka Mid Ah Culimada Ugu Caansan Magaaladaas

1
565

Picture4Burco(Geeska)-Ciidamada Booliska ee magaalada Burco, gaar ahaan ciidanka loo yaqaan RRU, ayaa magaalada Burco habeen hore ku qabtay Sheekh Siciid Axmed Jaar, oo ka mid ah guddiga horumarinta gobalka Togdheer, guddiga jaamacadda Burco, guddiga wanaag farista, waxaanu sidoo kale ka mid yahay mulkiilayaasha shirkadda isgaadhsiinta ee Afro-online.

Ciidamada RRU, ayaa hawlgal ay saqdii dhexe ee habeen hore ka sameeyeen Burco, waxa ay ku qabteen dhawr qof  oo uu Sheekhani ka mid ahaa. Lama garanayo sababta keentay xadhiga dadkan, laakiin Taliska Booliska Burco ayaa xaqijiyay qabashada dadkan.

Dadka kale ee la qabtay waxa ka mid ah saddex wiil oo walaalo ah, kuwaas oo ay wararka qaar sheegayaan inay ciidamadu raadinayeen aabahood oo ay wakhtigaas guriga ka waayeen. Dhammaan dadkaas Burco laga soo qabtay ayaa la sheegay in loo soo dhaadhiciyay caasimadda Hargeysa.

Qoyska Sheekh Siciid, ayaa saxaafadda u sheegay inay ciidamado si fuul xun ugu soo daateen gurigooda iyagoo burburiyay albaabadii aqalka, balse uu Sheekh Siciid, markiiba raacay.

Comments are closed.