Siyaasiyad Swedish Ah Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho Iyo Turjumaankeedii Oo La Dilay

0
562

Picture1Muqdisho(geeska)-Haweeney u dhalatay dalka Sweden oo lagu magacaabo Ann Margareth Levih ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Mudisho kaddib markii rag hubeysan ay weerareen gaadhi ay saarnayd. Haweenaydan ayaa weerarkaasi kahor ka soo baxday sida la sheegay Jaamacadda halkaasi ku taalla oo ay ka soo bixisay seminar.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sweden Lena Tranberg ayaa xaqiijisay weerarka lagu dhaawacay haweenayda u dhalatay Sweden. “Waxaan xaqiijinaynaa in haweenay u dhalatay Sweden lagu rasaaseeyay oo lagu dhaawacay Muqdisho, waxaana loo wareejin doonaa magaalada Nairobi”ayey tidhi Tranberg.
 Qaar ka tirsan warbaahinta Sweden ayaa wariyay in Ann Margareth ay madax u ahayd xafiiska xisbiga garabka bidix Vanester Party uu ku leeyahay magaalada Stockholm. Warbaahintu waxay kaloo qoreen in nin Soomaali Swedish oo isna ka tirsan xisbigan garabka bidix ee Vanester magaciisana lagu sheegay Cabdiraxiin Xasan lagu dilay weerarka lagu dhaawacay haweenaydan.
Laakiin afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden Lena Tranberg ayaa idaacadda VOA u sheegtay inaanay  xaqiijin karin dilka ninka Soomaali-Swedish-ka ah.

 Dhaawaca Ann Margareth ayaa shalay gelinkii dambe loo duuliyay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya.