Magacyada Qaar Ka Mid Ah 26 Qof Oo Shalay Laga Soo Xidhay Magaalada Borama

0
649

Picture8Borama(Geeska)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee shalay magaalada Borama ku xidhay maayarkii hore ee Borama Saleban Xasan Xadi iyo ganacsato kale.

Dadkan ayaa lagu xidhiidhiyay weerarkii  habeen hore lagu qaaday guriga badhasaabka gobalka Awdal oo ay xukuumadu ku eedaysay inuu ka dambeeyay Suldaan Wabarka duurka ku jira iyo kooxdiisa hubaysani. Weerarkaas ayaa lagu dilay laba ka mid ah ilaalada badhasaabka, halka laba kalena lagu dhaawacay.

Dadka la soo xidhay oo ka kooban 26 xubnood, loona soo dhaadhiciyay caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka mid ah.

Maayarkii hore ee Borama Saleban Xadi

Cabdillaahi Maxamuud Dumaar oo ah ganacsade jaadka iibiya

Idiris Aadan oo ah mulkiilaha shirkadda sarifka ee Al-najax

Caaqil Axmed Kaahin

Cabdiraxmaan Aw-gaab, guddoomiye-xigeenka Telesom, Awdal

Geesta kale, inta la ogyahay wiil dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday rasaas ay ciidamada Boolisku shalay ku fureen koox dhallinyaro ah oo buuq ka horsameeyay garoonka kubadda cagta oo ay ku ciyaarayeel gobalada Selel iyo Gabiley. Waxa kale oo rasaastaas la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.