Booliska Oo Dagaal Adag Ka Dib Gacanta Ku Soo Dhigay Shan Ka Mid Ah Kooxdii Suldaan Wabar Ee Soo Weerartay Guriga Badhasaabka Gobalka Awdal

0
862

Picture9Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyay inay ciidanka Boolisku shalay gacanta ku soo dhigeen shan ka mid ah maleeshiyaadka Sulaan Wabar ee habeen hore weerarka ku soo qaaday guriga badhasaabka gobalka Awdal.

Taliye Fadal, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in shanta nin la soo qabtay ka dib dagaal adag oo dhex maray ciidan Boolis ah oo raacdo u galay sidii ay u soo qaban lahaayeen, “Sidaad ogtihiin markii uu weerarku ka dhacay guriga badhasaabka Awdal, waxa ay ciidanka Boolisku bilaabeen hawlgal balaadhan. Abaaro 2:30 galabnimo ee shalay ayay is heleen ciidanka Booliska iyo maleeshiyaadkaas hubaysani dagaal ka dibna waxa ay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen shanta nin oo mid ka mid ahi uu ku dhaawacmay dagaalkaas. Ninkan dhaawacmay waxa lagu qabtay qori M16 ah iyo 23 midh oo ka mid ah rasaastii uu booliska kula dagaalamayay, dhammaantoodna shantaas ruuxna waxa la keenay magaalada Hargeysa.”

Taliye Fadal, wuxuu sheegay in warbixin laga qoray ninka dhaawacmay uu ku cadeeyay in kooxda weerarka fulisay ay dhammaayeen 25 nin oo hubaysan, “Wuxuu cadeeyay inay tiradoodu ahayd 25 nin, intii kalena waa lagu daba jiraa. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee hawlgalka fuliyay waxaanay fuliyeen waajibaadka ay umadu ka sugayso.”

Taliyaha Boolisku, wuxuu tacsi u diray labadii askari ee ka tirsanaa ilaalada badhasaabka Awdal ee ku geeriyooday weerarka lagu soo qaaday oo uu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, sidoo kalena wuxuu Alle ka baryay inuu caafimaad siiyo labada askari ee iyaguna ku dhaawacmay weerarka lagu soo qaaday badhasaabka Awdal.