Xildhibaan Rayte Oo Xukuumada Uga Digay Wareejinta Haamaha

0
572

Picture7Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muranka wali taageen ee ku saabsan Haamaha Shidaalka, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu sharcigii iyo Dastuurkii baalmartay, isla markaana cabudhin iyo xadhig sharci daro ah dadka muwaadiniinta ah ee Somaliland kula kacayso, runtana ay ka baqayso.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in weerarkaasi muujinayo inay Xukuumaddu ka gaabisay sugida amaanka dalka, “Haddii ay Xukuumaddu sidaas ku wareejiso Haamaha, taas micnaheedu waa anaga sharci nama xukumo, Dastuur ma naqaan, Barlamaan ma naqaan,waxa aanu doonayno anaga ayaa yeelayna, sababto ah ma jiro sharci alaale sharci ay ku wareejinayaan Haamaha, waxa ay jabinayaan Dastuurkii oo waajibinaya in aan hantida Qaranka lahaanshaheeda iyo isticmaalkeeda ama ka faa’’iidaysigeeda midna loo wareejin karayn si aan sharciga waafaqsanayn, waxa ay si toos ah u diideen go’aankii  Barlamaanka ee muujinayey in aan Haamaha la wareejin karayn, intaas oo dhan marka ay baal maraan, oo waxa ay doonayaan sameeyaan waxa weeye sharci ma naqaan, Dastuur ma naqaan, Barlamaan ma naqaan, waxa aan se u sheegaya laba arimood labadaba, wixii ka dhaca halkaas ee nabadgeliyo daro ah ee burbur ah ee khilaaf ah, ee inay  dantooda iyo dumadooda ku qoran tahay.

Waxa kale oo aan u sheegaya Xukuumadda in cid kasta oo go’aankaas qaadashadiiisa masuul ka ah in bari iyo saadanbe goor ay noqotaba lagala xisaabtami doono, cidina aanay ka baxsan doonin, ku tumashada  Sharciga iyo Dastuurka, ku tagrifalka iyo boobka Hantida Qaranka, mar kasta iyo meel kasta oo laga helana inay iyaga dul sudhan tahay.

Ganacsatada doonaysa  inay xoog kula wareegto waxa aan leeyahay waad khamaarteen,  ee khamaarka waxa aad ku heshaan ayaad leedihiin, Hantida Umadduna sidaas uma wareegto,Maanta sharci ma jiro oo waataas lagu tuntay, maalinta uu sharcigu yimaado idinka ayaa garanaya xoolihina halka aad u doonaysaan, wixii halkaas ka soo baxana waa la idinku daba joogayo. Mar aanu Xildhibaanka wax ka weydiinay aragtiidiisa ku waajahan xadhiga qaar ka mid ah Wariyayaasha ka hawl gala Berbera iyo dad shacab ah oo halkaas lagu xidhay ayaa ku jawaabay “Xadhiga dadka muwaadiniinta ah  waa wax ay Xukuumaddani caadaystay, oo ay u haysato inay xaq u leedahay iyadu iyo inay sidoo kale xaq u leeyihiin inay xidhaan aamusiiyaana qofka rayidka ah ee isagu rayigiisa hadla, laakin Shacabku intaas ku aamusi maayo, haddii dil xadhig,cabsi iyo cabudhin lagu aamusayo, dalka Afweyne ayaa Maanta xukumi lahaa,waxa aan leeyahay Nabadgeliyadu waxa ay ku jirtaa in muwaadinka xuquuqdiisa la dhawro, xoriyalul qawlkiisa la ixtiraamo, Dastuurka iyo Sharcigana la raaco, haddii aad ka baydhaana idinka ayaa yaqaana halka aad u baydheen”.

Xildhibaan Rayte mar uu ka hadlaayey weerarkii laga qaaday Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa yidhi “Weerarkaasi waxa uu muujinayaa tamar darada Xukuumadda iyo inay amaankii iyo xilkii aasaasiga ahaa ee ay Xukuumaddani u igmatay in aanay ka adkayn, in aanay ku filayn in aanay sugi karin amaanka, Badhasaabkii Gobolka gurigiisi in lagu weeraro waxa ay muujinaysa inay Xukuumadani ka baaqatay xilkeedii iyo wajibaadkii dastuuriga ahaa.”