Magacyada Laba Xubnood Oo Ay Wakiiladu Midna U Ansixiyeen Gudiga Cadaalada Midna Diideen

0
1058

Hargeysa(Geeska)-Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa shalay  mudanayaashu waxay Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubin ka mid ah guddida cadaalada, iyagoo xubin kalena dib u celiyey. Picture7Fadhigan oo ay joogeen shan iyo afartan mudane ayay cod gacan taaga u qaadeen laba xubnood oo loo soo xulay in ay ka mid noqdaan guddida cadaalada sida uu dhigayo sharciga xeer nidaamiyaha golaha Wakiiladu. Waxa fadhigaas xoghayaha guud ee golaha wakiiladu ka soo jeediyey taariikh nololeedka iyo waliba ka waayo  aragnimo iyo aqooneed ee labada xubnood oo markaasi kala ahaa Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag . Waxa Mudanayaashu cod Aqlabiyada oo dhan 45 xildhibaan ay ku ogolaadeen Shariif Ibraahin Cumar in uu xubin ka ahaado guddida Cadaalada iyadoo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay guddoomiyuhuna muu codayn,  sidaasi ayaana uu ku ansaxay xubinimada Shariif Ibraahin Cumar. Intaasi ka dib waxa ay mudanayaashu guddo galeen  ansixinta Cali Axmed Maygaag oo ay u codeeyeen xubinimadiisa guddida Cadaalada 14 xildhibaan isla markaasina ay diideen 28 xildhibaan, halka ay ka aamuseen saddex mudane guddoomiyuhuna aanu codayn,  sidaasina waxa uu ku waayey xubinimadii guddida Cadaalada , waxaana xubintaasi goluhu dib ugu celiyey guddida Garsoorka, Cadaalada iyo xuquuqal Iinsaanka ee Golaha Wakiilada.