Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Dhawaan Safar Ku Tago Dalka Ingiriiska Iyo Ujeedadiisa

0
744

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu dhawaan socdaal ku tago wadanka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweynuhu wadankaas u socdaali doono maalmaha ugu horeeya ee bishan January ee sannadka cusub 2014 oo ay maalmo koobani inaga xigaan. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada safarka Madaxweynaha waxase lagu xidhiidhinayaa inuu daba socdo safaradii ay xubno wasiiradiisa ka tirsani dhawaan ku tageen dalkaas, kuwaas oo salka ku hayay shirkadda Genel Energy oo ay la soo yeesheen kulamo ah sidii ay mar labaad Somaliland uga bilaabi lahayd hawlaheeda sahaminta shidaalka.

Madaxweynaha waxa la filayaa inay safarkiisa ku weheliyaan laba wasiir oo kala ah wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan. Laakiin safarkaas Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sannadkan dhammaaday ee 2013 uu Somaliland ku nabadgelyeeyay mudaharaadyo ay bulshadu kaga cabanayso imkaaniyaadka nolosha, mudaharaadadaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.