Magacyada Dad Dunida Caan Ka Ah Oo Mushaharkoodu Sannadkii Hal-Doollar Yahay Iyo Xikmadda Ku Jirta (Q:4)

0
729

Hargeysa (Geeska)- Qormadani waa qaybtii 4aad ee aynu kaga waramaynay dadka iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar, kuwaas oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men” iyo xikmadda ku jirta:

8. Terry Semel: Oo u dhashay dalka Maraykanku waxa uu guddoomiye iyo agaasimaha fulinta ka ahaa shirkadda Yahoo. Muddadii uu shaqaynayeyna waxa uu musharkiisu sannadkii ahaa Hal doolar oo keliya. Laakiin haddii aynu hore u soo aragnay in sababta uu mushaharkani ku soo baxay ahayd qofka oo xuquuqdiisa uga tanaasulaya si uu shirkad ama dowladda xooggiisa ugu tabaruco, waxaa yaab leh in Samel mushaharkan yar ay u garab socotay xuquuuq lacageed oo gaadhay 70 Milyan oo doolar sannadkii.

Sannadkii 2007da ayaa uu Semel iska casilay xilkii agaasime ee shirkadda, kadib markii ay sidaa ku cadaadiyeen xaqlayaasha shirkadda oo aan ku qanacsanayn lacagta uu Semel xaqa u qaadanayey. Waxaa la aaminsan yahay in Semel u ushirkaddan ka urursaday lacag gaadhaysa 500 oo milyan oo doolar oo ah xuquuqdii uuu helay muddadii uu xilkan hayey.

9. Jerry Yang oo ah 46  sano jir ah Maraykan isir ahaan ka soo jeeda Taiwan waa maalgashade caan ah, isla markaana ahaa Injineerka guud iyo aas-aasaha labaad ee shirkadda Yahoo, isla markaana muddo ka ahaa agaasime ayaa isna ka mid ah masuuuliyiinta caanka ah ee mushaharka u qaata Hal doolar sannadkii.

10. Mark Zuckerberg Waa 30 jir Maraykan ah oo ku xeel-dheer samaynta barnaamijyada kombiyuutarka. Sannadkii 2004ta ayaa afar nin oo uu isaguu ugu cad-caddaa ay aasaaseen shabakadda facebook, isla sannadkaas dabayaaqadiisiina waxaa loo aqoonsaday in uu yahay maalqabeenka ugu da’da yar dunida. Mark Zuckerberg marka hore waxa uu ahaa Yuhuuudi, laakiin muddo kadib waxa u ku dhawaaqay in uu diimaha jira oo dhan ka baxay oo aanuu midna raacsanayn. Mark Zuckerberg oo tan iyo bilowgii facebook ahaa guddoomiyaha iyo agaasimaha fulinta ayaa sannadkii muushahar u qaata hal doolar. La soco siyaasiyiinta Hal doolar oo mushahar ah sannadkii ka qaata qarankooda…