Lixdii Saadaalood Ee Ugu Xumaa Dunida Tiknoolajiyadda Iyo Sida Ay U Beenoobeen (Q:1aad)

0
252

Hargeysa (Geeska) Tiknoolajiyaddu waxa ay ka mid tahay horumarka aadamuhu ka gaadhay aqoonta dunida, waxa aanay ku socotaa xawaare ay maalin kasta, Maya, daqiiqad kasta dunida ku soo kordhaan boqollaal tiknoolajiyadood oo cusub. Illaa ay gaadhay heer wax yaabaha qaarkood ay maskaxdii aadamaha ee samaysay rumaysan kari weyday in ay dhici karaan. In kasta oo ay tiknoolajiyaddu muddo hore bilaabatay, maraaxil badanna soo martay haddana waqtiga ay sida aadka ah u horumartay ma’ uu fogeyn. Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa adeegyo iyo aalado tiknoolajiyadda ka mid ah oo imika dunida si aad ah looga isticmaalo, balse markii hroe dadkii akhtiraacay ama samaynayey ay u arkayeen in aanay sidaas u caan noqon doonin, isticmaalkooduna aanu heerkaas gaadhi doonin.

1. Bill Gates: Mar uu ka hadlayey shir caalamiya oo ay isugu yimaaddeen dhaqaale-yahanno badan iyo dad xul ah oo ku xeel dheer arrimaha tiknoolajiyadda oo ahayd sannadkii 2004ta ayaa uu sheegay in muddo laba sano ah oo noqonaysay sannadkii 2006 uu e-mail ka qof kasta ka joogsan doono farriimaha aan muhiimka ahay ama aan la doonayn eek u soo dhaca, oo inta badan ah kuwo ujeedo ganacsi leh, laguna magacaabo Spam ama Junk Laakiin taasi illaa hadda oo waqtigii uu sheegayey laga soo wareegay 8 sano, waa uu socdaa.

2. “Waxa aan is leeyahay suuq suuqa caalamiga ahi waxa uu qaadi karaa iibka Shan kombiyuutar oo keliya” Thomas Watson oo ahaa madaxweynaha shirkadda kombiyuutarrada soo saarta ee IBM ayaa sidan saadaaliyey sannadkii 1943kii. Thomas  Watson oo isaga iyo Charles Flint ay sannadkii 1911kii aas-aaseen shirkaddan soo saarta kombiyuutarrada iyo barnaamijyada ay ku shaqeeyaan ayaa ay la’ ahayd in dunidu aanay isticmaali doonin qalabkan ay samaynayaan. Sidaa awgeed waxa uu saadaalinayey in marka la isku daro suuqyada dunida oo dhan aan lagaga iibsan doonin wax ka badan shan kombiyuutar. Laakiin sannadkii hore oo keliya waxa ay shirkaddani dunida ka iibisay kombiyuutarro, qalabka kombiyuutarrada ama barnaamijyada ay ku shaqeeyaan tiro ay ka faa’idday lacag dhan 100 Bilyan oo doolar. La soco…