Magaca Iyo Maalkuba Waxa Ay Qofka Ku Keenaan Madax Xanuun, Calool Xanuun Iyo Xanuuno Kale Oo Nafsi Ah

0
670

Rochester (Geeska)- Cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Rochester ee dalka Maraykanka ayaa muddo ku hawlanaa sahamin cilmi baadhiseed oo ay ku daba geleyaan farxadda iyo murugada dadka iyo xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha iyaga oo si gaar ah tijaabo ugu soo qaatay rayi ururin ay ku sameeyeen arday badan oo jaamacadaha ka baxay, kuwaas oo laba sano kadib markii ay jaamacadda ka baxeen ay weydiiyeen, farxad iyo murugo midka ay ku nool yihiin ama shucuurtooda nafsiga ahi sida ay tahay. Tijaabooyinkan kadib waxa ay xeel-dheerayaashani ogaadeen in caan noqoshada iyo maal-qabeennimaduba  ay inta badan sees u yihiin murugada iyo nolosha oo qofka ku noqota diiqad. Edward Dickey oo ka mid ah khubarada samaysay daraasaddan ayaa isaga oo faah-faahin dheeraad ah ka bixinaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “In kasta oo aaminsanaanta caadiga ah ee aadamuhu ay tahay in maal badan oo la xoogsado iyo sumcad weyn oo la helaa ay muhiim u yihiin nolosha aynu u baahannay ee bilaa murugada ah, haddana waxaa caddaatay xaqiiqada ah in haddii uu qofku labadan arrimood helo, aanay macnaheedu noqonayn in uu raalli ku noqdo nolosha, farxad iyo niyadwanaagna helo"

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majalladda Personal Research oo faafisay, waxaa ku cad in qofka oo gaadha guulo waaweyn oo dhinaca maalka ah ama magac weyn hela aanay saldhig u noqon doonin nolol farxadeed oo uu helo. Waxa ay daraasaddu xustay in Maalka iyo magacuba horseed u yihiin dareeno taban oo ay ka mid yihiin, cadhada badan, diiqad iyo walaac joogto ah, warwar iyo walbahaar iyo in guud ahaan xaaladda nafsiga ah ee qofku aanay xasilin, taasina ay keento tamarta qofka oo hoos uu dhacda, madax xanuun joogto ah iyo xataa calool xanuun badan.