“Waxaan Ahay Murashax U Tartami Doona Doorashada Golaha Wakiilada

0
560

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maxamed Xasan Xaashi (Finad) oo ka mid ah aqoonyahanada reer Hargeysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartami doona doorashada golaha wakiilada ee la filayo inay badhtamaha sannadka dambe qabsoonto. Md. Maxamed Xasan Xaashi, wuxuu sheegay in ujeedada koowaad ee uu doonayo inuu golaha wakiilada uga mid noqdaa tahay si uu wax ugu qabto dalkiisa iyo dadkiisa. “Aniga oo ah Maxamed Xasan Xaashi (Finad) waxaan shaacinayaa in aan u taaganahay doorashada soo socota ee golaha wakiilada.” Ayuu Maxamed ku yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray isagoo intaas raaciyay ”Aniga oo ku kalsoon in aan gudan karo waajibaadka qaranka waxaanan ku kalsoonay dhamaan taageerayashaydu in ay igu garab geli doonan rumaynta hankayga doorasho.”

Maxamed Xasan Xaashi ayaa ka mid ah dhallinyaro badan oo aqoonyahan oo muddooyinkan dambe ku dhawaaqayay cadaynta hankooda siyaasadeed, waxaanu Maxamed ka mid ahaa dadkii aasasay ee dhididbada u taagay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, inkasta oo aanu wakhtiyadan dambe saaxadda ka dhex muuqan.