Magaalo Shimbirka Tukaha U Tababartay In Uu Jidadka Ka Guro Haashka Sigaarka Si Nadaafaddu U Fiicnaato

0
1168

Amistardaam (Geeska)- Shirkad laga leeyahay dalka Holaand ayaa hal-abuurtay hab cusub oo jidadka magaalooyinka lagaga nadiifin karo haashka sigaarka ee jidka dhexdiisa lagu tuuray, habkaas oo ah in tukeyaasha ku nool magaalada lagu tababaro in ay gartaan haaska sigaarka kadibna ay qaadaan.

Shirkadda ‘Crowded Cities’ ayaa iska lahayd fikirka ah in tukeyaasha lagu tababaro in haashashka sigaarka ee ay qaadaan ay ku tuuraan qalab lagu magacaabo ‘Crowbar’ oo meel oo dhigay, qalabkaasi oo tirkoob ku samaynaya si loo hubiyo habsami u socodka hawshan ayaa sida oo kale waxa uu tukeyaasha siinaya cunto abaal marin ah.

War uu Geeska Afrika turjumay ayaa uu wargeyska Daily Mail ku sheegay in jidadka guud ahaan magaalooyinka dunida oo dhan, sannad kasta lagu tuuro qiyaas ah 4.5 Tirilyan oo haash sigaar ah.

Cilmibaadhis ay faafisay majaladda caalamiga ah ee cilmibaadhisaha iyo caafimaadka guud ayaa iyaduna sheegtay in haashka sigaarku uu ka mid yahay noocyada qashinka aan burburin oo ciidda la falgelin. Haashku marka uu shaaraca yaallo waxa uu ku dambeeyaa uun in uu raaco bullaacadaha biyaha qaada ama webiyada iyo dhulka biyaha laga cabbo, waxa aanu aakhirka lagu arkaa badaha dhexdooda iyo badda xeeligeeda. Iyada oo dhakhaatiirtuna aaminsan yihiin in uu haashku khatar ku yahay nolosha qaar ka mid ah xayawaannada badda ku nool.

Aasaasaha shirkadda Crowded Cities iyo labada farsamayaqaan ee hawsha wada oo lagu magacaabo Roobin Faan Deir Filitoon iyo Boob Sebikmaan ayaa fikirkan adeegsiga tukeyaasha la kaashaday nin lagu magacaabo Jashu Kalayn oo tukeyaasha dhaqada markiisa horena ku tababari jiray in ay soo ururiyaan lacagta, isaga oo uga faa’idaysan jireen in ay u soo ururiyaan lacagaha dadka ka lumo.