Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Soo Saaray Amaro Khuseeya Ololaha Xisbiyada

0
984

Hargyesa(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa taageerayaasha xisbiyada uga digay hoonka,sameecadaha iyo ollolaha habeenkii inay sameeyaan, waxa uu sida oo kale ka digay gaadiidka dadka tirada badan ay fuulayaan oo uu ku tilmaamay kuwo nafaha dadka halis galinaaya.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland waxa uu ciidamada amray in la joogo wakhtigii ay si adag u dhaqmi lahaayeen isla markaasna ay isha ku hayn lahaayeen goobaha ollaha lagu qabto habeen iyo maalinba, waxaanu arimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waxa uu sharcigu tilmaamayaa in habeenii waa la hurdaaye aan gaadiid sameecado la saaray aanay dhex marin magaalada, waxaanu u sheegaynaa dhamaan gaadiidkaas sameecadaa la wareegaya habeenkii in ciidanka boolisku ay qaban doonaan isaga iyo cidii la socotaba oo ay sharciga marin doonaan, asxaabta haddii ay xafiisyadooda wax ku qabsanayaan iyo haddii ay hudheelo wax ku qabsanayaanba waa lagu ilaalinayaa laakiin waxii intaas ka baxsan ee nabadgalyada wax u dhimaaya ee samaacadahaas,gaadiidka suuqa wareegaya ciidanka boolisku talaabo ayay ka qaadayaan.”

Taliyaha oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi”waxa jirta in dhalinyarada taageerayaasha ahi ay wadooyinka xidhayaan oo dhibaatooyin la gaysanaayo oo gaadiidkii la shiidayo waxaanu leenahay cida falalka noocaas ah lagu qabto ciidanka booliska JSL waxay ku amran yihiin in la qabto si waafaqsan sharciga si degdeg ahna loo horgeeyo maxkamada awooda u leh. wax reeban in astaan xisbi leeyahay ay dhalinyarada xisbi kale googooyaan waayo waa waxa nabadgalyo daro keenaya, waxaanu uga digaynaa taageerayaasha asxaabta cida waxaas lagu qabto in boolisku gacan bir ah ku qaban doonaan sharcigana la  marin doono, hadhowna waa danbi u gaar ah waxii uu sameeyaba cid kalena loo raaci maayo, waxaanu asxaabta u sheegaynaa in aan taageeryaashu u dhawaan goobaha waxbarashada dawliga iyo kuwa khaaska loo leeyahay dhalinyarada yaacaysa iyo kuwa dugsiga ayaa laga yaabaa inuu isku dhac ka yimaado. waxaad arkaysaa gaadiid ay 50 qof dhakada ka fuuleen, oo gaadhi Vitis ah oo saddex qof qaada oo sodon ay fuuleen oo dhinacyada ka baxeen arintaas dhamaan ciidanka booliska waxaan farayaa inay talaabo adag oo sharci ah ka qaadaan oo la xidho, arintaasi nafaha dadka taageerayaasha ah ayay khatar ay ku tahay, waxay khatar ku tahay nabadgalyada.”

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilahai Fadal Iimaan waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “shacabiga Somaliland waxaan leeyahay xamaasada taageerayaashu yaanay idin qaadin, ciidanka booliska la shaqeeya oo amaanka ilaaliya, nafihiina ilaaliya, darawalada gaadiidka dadkaas xaddhaafka ah yeelaya waxaan u sheegayaa in xabsiga uu tagaayo oo sharciga la marinaayo oo ay isaga kaligii ku noqonayso. waxaan ciidanka booliska u sheegayaa inay aad u feejignaadaan oo goobaha ollolaha lagu qabanaayo aad habeen iyo maalinba ilaalisaan, cidii xad gudub samaysana sharcigaa la marinayaa, ciidanka booliskuna ay dulqaad ogaadaan, sharcigana waa markii adayga loo baahnaa iyada oo la raacayo tilmaamaha uu xeerku dhigaayo.”