Madow Addoon Ahaa Ayaa Dadka Maraykan Ka Badbaadiyey Xanuun Dilaa Ahaa Ee Furuqa / Fantada

0
993

Qarniyadii hore waxaa adduunyada oo dhan argagax iyo cabsi ku hayey xanuunka Furuqa ama fantada ay Soomaalidu u taqaannay oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Smallpox’. Waxa uu ahaa cudur raadad argagax leh ku sameeya maqaarka, si xawli ahna u faafayey.

Furuqa oo lagu yaqaannay burbur jidheed, iyo maqaarka oo qofka gubta, kuusas finanka ka waaweyn oo tiro badanna yeesha waxaa u dhiman jiray boqolkiiba 30 dadka uu ku dhaco, laakiin dhibaatada taas ka sii fooshax xumi waxa ay ahayd in boqolkiiba 70-ka ka kacana uu kaga tego nabarro iyo burooyin ama finan jidhka oo dhan daboola.

Dadkii ku noolaa deegaanka uu hadda yahay Gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa argagax iyo cabsi badani gashay qarnigii 18-naad kaddib markii ay ogaadeen in ay ku soo fool leedahay dooni gobalka ‘Caribbean’ ka soo qaadday dad bukaan u ah xanuunka Furuqa, masuuliyiintii Massachusetts markii ay doonidaasi soo gaadhay dhulkooda, dadkii bukaanka ahaa waxaa la dejiyey dhisme aad uga go’an deegaanka intiisa kale, waxaana laga kor taagay calan ay ku qorayn yihiin ereyada ay macnahoodu yihiin, “Alle ha u naxariisto dadka gurigan deggen” Si kastaba ha ahaato ee sannadkii 1721 kii, ayaa uu xanuunka furuqu si aad u daran uga dillaacay magaalada Boston ee ee gobalkan ka midka ahayd, muddo bilo ah gudahood ayaa uu xanuunkani ku dhinacay kumannaan qof oo boqollaal ka mid ahi ay u dhinteen.

Xaaladda oo meel adag maraysa ayaa uu soo baxay nin asalkiisu Afrkaankii adoonta ahaa yahay, waxa aanu soo jeediyey fikirad aad u waxtar badan oo u ku badbaadinayo dadka uu ku dhaco xanuunkani. Habkaas uu ninkani iskaga daweeyey xanuunka furuqa oo ku dhacay, waxa uu uga warramay ninkii caddaanka ahaa ee uu addoonka u ahaa. Arrintani waxa ay dhiirrigelin cusub u noqotay cilmibaadhayaashii caafimaadka ee hore quusta uga istaagay in xanuunkan dawo loo heli karo, waxa aanay bilaabeen dadaallo cusub oo ay dawo ugu raadinayaan.

Haddaba sidee uu ninkani isu daweeyey?

Sannadkii 1706 dii, ayaa baaderig la odhan jiray Cotton Mather waxa uu iibsaday addoon Afrikaan ah oo ka soo jeeda galbeedka Afrika. Sida caadada ah caddaanku marka ay addoonka iibsadaan magac ayaa ay u bixin jireen, sidaas awgeed baaderigu waxa uu addoonkan cusub u bixiyey magaca Onesimus.

Sida laga arkay qoraallo uu sameeyey, Baaderigu markii dambe addoonkan nafihiisa ayaa uu uga baqay, waxa aanu ku tilmaamay in uu ahaa qof wahsi badan oo wax ma tare ah, faa’iidana aan u lahayn. Laakiin sannadkii 1716 kii ayaa ay is beddeshay fikraddaas uu Baaderigu ka haystay addoonka, kaddib markii addoonkani uu baaderiga u soo bandhigay fikir yaab leh oo dareenkiisa aad u soo jiitay. Addoonku waxa uu baaderiga u sheegay in uu ku dhacay cudurka Furuqu, laakiin uu muddo aad u gaaban, dhaqsana ah uga bogsaday. Waxa ka sii yaab badan oo uu u sheegay in xanuunkaasi uu sidaas kaga tegey oo aanu abidkii dib ugu dhici doonin.

Baaderigii markii uu ninkan weydiiyey waxa uu sameeyey waxa uu addoonku sheegay in waxoogaa yar oo malax ah uu ka soo qaaday mid ka mid ah nabarrada nin uu xanuunkan furuqu ku dhacay ku yaalla, kaddibna uu malaxdii ku shubay nabar yar oo uu gacantiisa ku sameeyey. Taas ayaa u suurtagelisay in ay is bartaan jidhkiisa iyo xanuunkani kaddibna uu habdhiskiisa difaacu iska caabbiyo xanuunka.

In dheecaanka ama dhiigga qof xanuun qaba lagu shubo qof kale, waxa uu ahaa hab sida tallaalka casrigan xanuunka la isugu beero u dhigma oo meelo badan laga isticmaal jiray. Waxaa lagu tilmaamaa tallaakii bilowga ahaa, meelaha aad loogaga dhaqmi jirayna waxaa ka mid ahaa Shiinaha. Baaderigii waxa uu aad uga helay fikirkan, waxa aanu addoonkii u soo jeediyey in arrintan lagu tijaabiyo qaar ka mid ah addoomaha kale ee uu haystay, taas oo markii ay sameeyeen ay ka arkeen in xanuunku ka tegey ama dadkii lagu shubay aanu xanuunku ku dhicin. Kaddib, baadeirgii waxa uu bilaabay in uu arrintii dadweynaha uga warramo, gaar ahaan deegaanka Massachusetts oo uu dadkii deggenaa munaasabado kala duwan uga sheegay. Bilowgii fikirkan si adag ayaa ay dadku uga horyimaaddeen, arrin fool xun oo aan caafimaad keeni Karin ayaanay u arkeen, sida oo kale wargeysyadii ka soo baxayey Maraykanka ayaa si xaqiraad ah uga hadlay arrintan, baddarigana ku yasay in uu la yimi wax lagu qoslo. Halkaas ayaa uu fikirkani muddo ku shiikhay intii ka horreysay 1721 kii, laakiin waxa ay sheekadiisu macno yeelatay markii mawjad kale oo xanuunkii Furuqa ahi ay dillaacday sannadkii 1721 kii.

Mar kale ayaa uu Cotton Mather soo celiyey fikirkii oo isaga oo la kaashanaya addoonkii fikirka keenay iyo dhakhtar ay saaxiib ahaayeen baaderiga waxa uu sameeyey tijaabooyin hor leh oo uu ku sameeyey addoomihii kale iyo xitaa wiil uu dhalay addoonka fikirka keenay. Gaar ahaan waxa uu tallaalkani qiimo yeeshay markii uu xanuunku si aad ah ugu faafay magaalada Boston oo ay muddo gaaban xanuunka u dhinteen boqolkiiba 14 dadkii deggenaa, taas oo kalliftay in intii hadhay badankoodu ay nafta kula soo yaacaan tallaalka addoonkani waday. 242 qof oo uu Cotton Mather tallaalay ayaa ay 6 keliyi dhinteen intii kalana xanuunku si fudud u dhaafay.

Halkaas ayaa ay ka bilaabatay in saynisyahannadu ay daneeyaan sheekada uu addoonkani keenay, tijaabooyin kala duwanna ku sameeyaan dawooyin ay ka sameeyeen xanuunkan oo la mid ah malaxdii uu addoonku isticmaalayey. Ugu dambayntiina saynisyahankii Ingiriiska ahaa ee Edward Jenner ayaa soo saaray tallaalkii laga raad raacay daweynta iyo tallaalka dabarjaray xanuunka furuqa ama fantada.

Addoonkaas oo ka mid ahaa dadkii madowga ahaa ee caddaanka addoonsadaa u haysteen in ay xoolaha la mid yihiin, ayaa badbaadiyey kuwii caddaanka ahaa ee fikirkaas ka aaminsanaa, laakiin nasiibdarro taariikhda sayniska fursad lagama siinin, lagumana xusin qaybta uu ku lahaa fikirka ay saynisyahannada tallaalka soo saaray ka duuleen.