Xisbiga WADDANI Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay Inuu Dalka Ka Wado Qorshe Ah ‘Qaybi oo xukun’

0
633

“Burco, waxa muuqata in la leeyahay kuwii u codeeyay waa laga guuray oo kuwo kale ayaa lagu guuray, Madaxweynuhuna Oodweyne ayuu u hoyanayaa…”Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay inay dalka ka wadaan Qorshe ah ‘Qaybi oo xukun’.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalku marayo, hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Xayiraadaha Diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia, Shirkadda Trafigura ee Xukuumaddu heshiiska kula gashay inay dalka Shidaalka keento iyo weliba safarrada Madaxweynaha ee Gobollada Galbeedka iyo bariga dalka.

Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ugu horrayn ka hadlay waajibaadka Xukuumadda, waxaanu sheegay inaanu jirin hal Mashruuc oo muuqda oo Xukuumaddu fulisay 3-dii sanadood ee u dambeeyay marka la yimaaddo Shaqo-Qaran, waxaanu yidhi  “Maalintii Madaxweynaha xukunka loo dhaariyey illaa Maanta wax Mashruuc ah oo ishu qabato oo Macno leh oo Bulshada isheedu soo jiidato oo Hankeeda kor u qaada oo jawaaba Himiladii Bulshadu lahayd kuma hayno, waxay sheegtaan waxa la yidhaahdo ‘Shaqo Qaran’ oo ah in Ardayda Ciidan la geliyo oo la tababbaro, ma xuma in la Tabbabaraa, laakiin intee la tababbarayaa, sannad kasta 20 kun baa soo baxee, ma boqol kun oo Askari ayuu u baahan yahay mise Boqol kun oo u shaqeeya ayuu dalku u baahan yahay, boqol kun oo Askari waa loo baahan yahay markay noqoto difaac, laakiin Busaaradda, Gaajada iyo duruufaha ku xeeran ayaa loo baahan yahay in laga jawaabo, Maanta Ciidan wuu inoo dhisan yahay, wuxuu u baahan yahay Xoojin, Waayo? illaa Maalintii xilka la wareegay Ciidankii joogay 1 dollar looma kordhin, waxayna ahayd in kuwa jooga la daryeelo. Waxa aad u yar hal Mashruuc oo ay Tilmaanaan, waad arkayseen Madaxweynaha oo u baxay Gobollada, ma dhicin wax Mashaariic ah oo la furay, maxaa yeelay waxba lama qabanin, Madaxweynaha waxa Wakhtigii kaga dhamaaday Muran iyo Gar-naqsi, 3 sanadood buu dhamaystay, kii Afraad baa la galayaa hadda.”

Xirsi waxa kale oo uu sheegay “Waxaad ogtihiin duruufaha dhaqaale, Busaaradda dalka ku habsatay, halkuu dalku marayo, dhaqaale ahaan halkuu marayo, iyadoo Duruuftii dhaqaale ee dalku halkaa marayso ayuu haddana Madaxweynuhu wuxuu bilaabay inuu joojiyo Taayirkii wareegayey oo uu shirkadihii qaarkood joojiyo, waad ogtihiin shirkadihii Shidaalka keeni jiray Qaylada ka baxaysa iyo in la keenay Shirkad Sumcad xun dunida ku leh oo la yidhaahdo Trafigura, ma taas ayaynu u baahnayn, mise inaynu kuweena horumarino?. Wax aad u layaab badan in Ganacsateeniina la curyaamiyo, shirkado dhibaato ku caan baxay oo dunidii kale ka qaylinayo la keeno dalka oo heshiisyo lala galo oo lagu siiyo waxay qaban karayeen shirkadaheenu, haddii la yidhaahdo Shidaal baa jabay, miyaad aragteen Shidaal jabay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waad arkayseen Shirkadihii diyaaradaha Air Arabia iyo Fly Dubai oo la joojiyey, oo markii horana Sifo Maamul lagu joojiyey, markii ay Waayeelka iyo Hoggaanka ummaddu u tageen ee ay kala hadleen Madaxweynahana waad arkayseen in la marin habaabiyey oo laga dhigay arrin aan khusayn oo la geeyay Golaha Wasiirrada, Golaha Wasiirrada shaqadiisa waalla yaqaanaa.”

Hoggaamiye Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay “Waxa nasiib-darro ah in Garoonkii diyaaradaha ee Maalintuu xilka la wareegay Camirnaa ee diyaaraduhu is dhaafayeen ee Cashuurta Malaayiinta ahi ka soo galaysey inuu Maanta Waaqle yahay, hal diyaarad oo isaga loo tiirinayo inuu u daayey iyo laba diyaaradood oo kale oo ku yimaadda sifo aan joogto ahayn, waxaynu u baahnayn inaynu dunida ku xidhano ee umaynaan baahnayn inaynu dunida ka go’no, diyaaraduhuna waa waxyaabihii dunida innagu xidhayey, weliba markay yihiin Diyaarado Caalami ah oo dalal leeyihiin. Waxa guul-darro weyn ah in Madaarkeeniina kaa yahay Muqdisho-na ay Maalin walba ka degaan 93 diyaaradood, markaa waxa muuqata in Madaxweynuhu handaraabkii uu sheegayey uu ula badheedhay oo uu ugu talo-galay dibed iyo gudahaba uu Maalinba meel soo xidho.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waad ogtihiin 3 kun oo Meheradood wax ka badani istaageen, waxaa istaagay waa Muwaadiniintii dalka, shaqadoodii iyo dhaqaalahoodii baa istaagay, waxay u muuqataa ‘Gaajaysii Dadku ha ku raacee’, waxaanu leenahay Dadku gaajo kugu raaci maayo, way soo mareen duruufo tan ka adag, wayna u soo adkaysteen, wayna ka gudbayaan, kuwii ku doortay sidii Nebi kumay rumaynin oo Maantaba waa u xor haddaad codkooda wax ugu qaban waydo. Waa Ayaan-darro weyn haddii Caqligii Dawladdu Ummadda kala saari waayo, haddii Caqligii Dawladdu uu Ummadda hagi waayo. Waxaad arkayseen 45 Wakiillada Tigidhada Diyaaradaha gooya ah oo Qaylinaya, waxay ka hadlayeen Xafiisyadii shirkadaha diyaaradaha ee la xidhay, dareenkaa Dawladdu uma soo jeeddo, kuwa xidhmaya uma soo jeeddo, dhaqaalaha hoos u dhacaya uma soo jeeddo.”

Ugu dambayn, Hoggaamiyaha WADDANI wuxuu ka hadlay safarka Madaxweynaha “Madaxweynuhu wuxuu uga gudbay Tallaabo labaad, waad arkayseen Safarkii Boorama iyo Safarkii Burco, labadaba waxa muuqata markii Dadku diiday in Dadkii ama la karbaasho oo Xalay (habeen hore) la noo soo sheegayey in lagu garaacay Madaxweynaha ka hor taga, Ma Khasab kaga hor-tagaa ? Dadka kasbada oo ha khasbina oo Dadka lagu laynayo Madaxweynaha soo dhaweeya ha laga daayo, waxa muuqata inay tahay Qaybi oo xukun, qolada Boorama waxa muuqata Saylici qoladuu ka soo jeeday la yidhi waa laga guuray oo meel kalaa loo guuray, waa si Dadka Shicibka ah Madaxa la isugu geliyo, imikana waxa muuqata Burco in la leeyahay kuwii u codeeyay waa laga guuray oo kuwo kale ayaa lagu guuray oo Madaxweynuhuna Oodweyne ayuu u hoyanayaa, Waayo? qoladaa looma baahna, maaha in qolada loo tagay wax loo qabanayo ama aanu Annagu ka xun nahay, laakiin qolana wax loo qaban maayee waa in iyaga la isku garaaco oo ah Qaybi oo xukun, sidaasi ummadda ma dhaqdo, kaama geydo, wax waxaa ka weyn baa la idinka sugayey.

Waxa muuqataa inaan waxba laga qaban wixii aad dadka Codka kaga qaadateen, laakiin imika la doonayo iyaga la iska hor-keeno, waxaanu leenahay Shacabka reer Somaliland taasi wuu ka Koran yahay, wuu ka ilbaxay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Shacabka reer Somaliland “Waxaanu soo wadnaa baadhis aanu samaynay, hadday musuqumaasuq tahay, hadday tahay dhaqaale xumo iyo hadday tahay dhibaato jirta aanu u soo taaban doono xabad-xabad, waxaanu leenahay Shacabka adkaysta oo naga dhursuga, waanu buuxinaynaa kaalinta aad doonaysaan…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office