Waraysi Gaar Ah: Cali Maxamed Warancade

1
226

Hargaysa( Geeska ) Cali Maxamed Warancade aayaa meel adag iska taagay in Somaliland wakhtigan ay ka qayb gasho shirka dalka Ingiriisku uu u qabanaayo Somalida.

Sidoo kale waxa uu Warancade ku tilmaamay siyaasada raimaha dibada ee dawladan uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo mid ka leexatay wadadii ay hayeen oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid lagu ixtiraami jiray gooni isku taaga Somaliland.

Cali Maxamed Warancade wax uu sidan ku sheegay waraysi Khaasa oo uu siiyay b wargayska Geeska Afrika, sida oo kale waxa uu waraysigan kaga hadlay khilaafkii xisbigooda labada garab u kala jabiyay goorta xal laga gaadhaayo iyo arimo kale oo ay kamid yihiin xafiiska Qaramada midoobay ee laga furay magaalda Muqdisho. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan:

Cali Maxamed Warancade waxaad ka mid tahay siyaasiyiinta reer Somaliland wakhti badana maamulka dalka waad ku soo dhex jirtay, waxa jira shir baryahan aad loo hadal hayay oo dalka Ingiriisku uu u qabanaayo Somaliya, shirkaas oo Somaliland-na lagu soo casuumay adigu sideebaad u aragtaa shirkaas?

Runtii anigu waxaan u arkaa shirkaasi inuu yahay shir khatar ku ah Somaliland, Himiladii labaatanka sano iyo intii ka horaysayba aynu u soo dagaalanayna uu ka hor imanaayo, runtii imika inooma cusba in laynoo yeedho oo shirarka Somaliya laynooga yeedho mudadaas labaatanka sano ahaydba waa laynoo yeedhayay, hasa yeeshee inagoo intan ka itaal daran, oo ka dhib badan,  oo ka dawlad yar, oo ka dhaqaale xun ayaa laynoo yeedhayay markaa marnaba hadafkeena kamynaan leexan mudadaas labaatanka sano ah.

Markaas runtii aniguna waan la yaabanahay inaga oo meel wanaagsan marayna oo dadku ina majiiranaayo oo layna bartay oo dadkeenu maanta uu isku tashaday hadafkoodiina ay maanta hayaan oo waliba maanta bulshada reer Somaliland waxay u badantahay dhalinyaradii intii la kala goostay Somaliya iyaga ama toban jira ama sideed jira oo aan Somaliya waxay tahay aan garanayan, markaas maanta sabab jiilka intaas leeg ee boqolkiiba todabaatanka ah oo aniga iyo xoogaa da’dayda ah mooyaane cid Somaliya Soo aragtayba aanay jirin, sabab maanta jiilkaasu uu ugu bahol yoobo Somaliya oo aan sodankaas sano dil boob iyo gawrac wax aan hayn aan ka maqal Somaliya sabab runtii ay ugu baholyoobaan anigu garan maayo, waana arin inaga inagu xidhan hadaynu nahay  Somaliland iyo madaxdeena.

Waxaan qabaa shirkaasu in aanu ahayn mid inaga inoo yaala, shir aynu ka qayb gali karno inaanu ahayn, markaas runtii waxaan leeyahay shirkaasu wax alle iyo wax ahmiyada oo uu Somaliland u leeyahay majirto.

Madaxweyne Axmede Siilaanyo waxa uu sheegay in shirkaas talo qaran laga yeelanaayo, arintaas talada qaran in laga yeesho shirkaas adigu sideed u aragtaa?

Haddii talo qaran la yeesho madaxweynuu waa uu ku mahadsan yahay, waana loo baahan yahay in laga wada hadlo oo talo qaran laga wada yeesho, waanan uga mahadcelinayaa madaxweynaha,  waayo waa masuuliyad balaadhan waxaanay halis galin kartaa nabadgalyadeena,waxay halis galin kartaa jiritaanka dawladeena oo haddii uu shacabku ka shakiyo dawladiisa dee ma jirayso oo awoodii shacabkaa leh, markaas shacabkii in wax laga dhaadhiciyo oo khatarta shirkan ay ogaadaan oo lagu talo galo ayaa lagama marmaana, markaas waan soo dhawaynayaa arintaas.

Ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobay Somaliya waxa uu xafiiskiisii Nayrobi u soo raray magaalada Muqdisho arintaas sideed u aragtaa?

Arintaas waxaan u arkaa barigii hore Somaliland mustacmaradii Ingiriisku waxay ka xukumi jirtay Cadan, deedna markii ciidamadeedii hantiyeen ee dalka Odayaashiisii lala heshiiyay ee ay arkeen in xukunkii Ingiriisku uu caga dhiganaayo Somaliland ayaa waxa soo guuray badhasaab fadhiyi jiray Cadan waxa uu u soo guuray Hargaysa halkaasu deedna wax boqol sano ku dhaw inagu  xukumayay.

Markaa taariikhu waxa la yidhaahdaa had iyo jeer iyadaa isa soo celisa markaas waxaad moodaa taariikhdii hore ee mustacmaradu inay soo noqotay, Mahigana markii hore waxa uu ka xukumi jiray Nayrobi maanta markii uu ogaaday inuu si wanaagsan gacanta ugu dhigay xukunkii iyo dalkiiba ciidan ahaan iyo xoog ahaanba inuu markaas sidii badhasaabkii Ingiriiska uu u soo guuro Xamar wax layaab leh maaha waxaanay sii adkaynaysaa uun mustacmaradii casriga ahayd ee soo caga dhigatay Somaliya. Khatarna waa ay inagu tahay oo awal Nayrobi bay ahayd laakiin imika waxa uu soo galay Somaliya oo aan xuduud leenahay, markaas anigu waxaan u arkaa mustacmarad wakhtigay bilaabmi doonto ma garanaayo ee inay lakiin mustacmarad hor leh oo casriya inay wadanka Somaliya la yidhaahdaa u galeen ayaan u arkaa.

Faraq ayaa u dhaxeeya wakhtigaad wadanka maamulayseen siyaasadiinii arimaha dibada iyo siyaasada arimaha dibada ee dawladan haatan, waxaanad moodaa inaad idinku go’aano cad cad ka qaadan jirteen shirarka Somaliya loo qabanaayo, adigu siyaasada arimaha dibada ee dawalda haatan siday kuula muuqataa?

Arintaas ma garanaayo meel ay wax ka xumaadeen, lakiin inay wax baydheen ayaad moodaa, qolada tan reer Yurub iyo beesha caalamkaba waan ku kala hagaagnay arinta qadiyada Somaliland, inaan shacabkayaga iyo dawladayaduba aanu goosanay oo aanay ka soo noqod lahayn, anagu markaanu xukunka wareejinay halkaas ayaa noogu danbaysay oo waa nalagu ixtiraamayay waxaana wax nalagaga qabtay doorashooyinkii, waxan ku guulaysanay in la maalgaliyo tii madaxweynaha, waxaan ku guulaysanay in la maalgaliyo tii deegaanka, waxan ku guulaysanay in la maalgaliyo tii baarlamaanka iyada oo aad arkayso inay inoo wadaan hab dawlad-nimo markaa meesha imika wax ka qaloocdeen ee Somaliya inagu celisay bal garan maayo ee waxaan waydiin doonaa qolada imika, laakiin anagu halkaas ayaanu kaga tagnay.

Xisbigiinii UDUB waakan oo imika waxa uu ukala jabay laba garab, waxaana suuqa ku jirtay in imika ay jirto waan waan laydinka dhex wadaa labadiina garab oo la damacsan yahay in laysu kiin soo dhaweeyo, arimahaas maxaad ka odhan lahayd?

Walaahi wax waan waan  imika nagula dhex jiraa ma jiraan, qolaa mar na dhex gashay gobalada ahayd, qoladiina qaraar ayay soo saareen qaraarkaas oo ay ku dada-feeyeen inankii odaygu yidhi waxbaan u dhiibayaa in aanu ahayn nin xisbiga kamida shuruucdii xisbiga ee ay ka mid tahay inuu labadii sano ee u danbeeyay inuu ahaa xubin firfircoon waxa ay soo saareen in aanu ahayn, anigana lacagtii uu yidhi sanduuqa ku shub in aanan ku shubin ayay sheegeen, in markaas dib loogu celiyo doorashadii, markaas aniga way ii suurto galaysa inaan dib u galo laakiin inanka kale ee odaygu waday waxa laga yaaba isagu ilaa uu laba sano wadanka joogo u suuro galimayso inuu is sharaxo markaas gudoomiyahiina waa uu imanayaa oo khilaafkan waxa uu afjarmayaa bishan soo socota horaanteeda deedna doorashadii ayaan dib u galaynaa haddii ilaahay yidhaahdo.

Comments are closed.