Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay In Uu Mucaaradka Degdeg Ugu Fidiyo Gogol Wada Hadal Iyo In La Sameeyo Guddi Labada Dhinac Ah

0
493

2222222Hargeysa (Geeska)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyskan Geeska Afrika waxa uu kaga hadlay xaaladda dalku uu marayo, khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeye Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxa aanu soo jeediyey in Madaxweynuhu gogol fidiyo, si loo soo afjaro khilaaf Siyaasadeed ee ku saabsan doorashada.

Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Md. Axmed Yuusuf Yaasiin dhinacyada oo dhan ku boorriyey in dadka iyo dalkaba aan dhibaato lagu abuurin, waxa aanu ku taliyey in la sameeyo Guddi ka kooban Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo la shaqeeya Komishanka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu dhinaca kalana Madasha Wadashiga iyo Toosinta ugu baaqay in ay ku biiraan mid ka mid ah Saddex Xisbi Qaran, maadaama oo sida uu sheegay in aanu sharci ahayn jiritaanka Madashu.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee  burburay,  isku shandhayntii dhowaan uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumaddiisa, xilkii Wasaaradda Waxbarashada ee uu diday  Cabdicasiis Samaale iyo is casilaada Abiib Timacad. Md. Axmed Yuusuf Yaasiiin oo is-barbardhig ku sameeyenayey Xukuumaddan iyo Xukuumaddii uu ka tirsanaa ayaa sheegay in waxyaabo badan ay ku kala duwan yihiin, isaga oo tusaale u soo qaatay in Xukuumaddii uu Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa ay ka talinaysay mid ka mid ah beelaha darafyada Somaliland, halka xukuumaddanna ay taladeeda hayso beesha dhexe ee Somaliland.

Haddaba waraysigaas xiisaha badan waxa uu Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ku bilaabay, “Waxaa aad iyo aad muhiim u ahayd in marka hore la ogaado in qolada Somaliya markii hore ee ay Turkiga imanayeen aanay diyaar ahayn, waxayna ku talagaleen in lagu kala kaco, sababta oo ah waxa ay ku soo dareen xubno ka tirsan Somaliland, waxayna u socdeen in balantii labada Madaxweyne ay ku galeen Jabuuti ay oofiyaan haddana buriyaan, taasina waa ay dhacday, waxase jira qodobbo muhiim ah oo aan u sheegayo beesha Caalamka iyo Maamulka ka taliya Soomaaliya, kuwaas oo ah in qadiyada Somaliland ka tamid ay tahay mid ka timid Shacabkeeda, maaha qadiyad uu Siyaasi iyo qof gaar ahi leeyahay, waxaana u codeeyey qadiyadda Boqolkiiba Todoba iyo Sagaashan (97%) (Dadweynaha), waa qodoba Dastuuriya oo meel laga maraa aanu jirin, waana in Beesha Caalamku fahmaan. Waxaana Sharci ah in qofkii reer Somaliland ah ee ka soo horjeesta  qadiyaddeeda, jiritaankeeda iyo madaxbanaanideeda la maxkamadeeyo, madaama uu yahay danbiile Qaran.

Qodobka labaad: Go’aanka hore ee Shacabku gaadhay haddii wax lagu kordhinayo iyo haddii wax laga bedelaayo, Shacabka ayaa iska leh, Madaxweyne iyo Siyaasi kastaana waxa uu ku shaqeeynayaa go’aankaas kama leexan karo. waa arin ay u codeeyeen aftina ay u qaadeen Shacabka Somaliland, go’aanka ugu dambeeyeena Shacabka Somaliland ayaa iska leh, markaas waxa aan filayaa in aan lagu dawakhin la iskuna wareerin wakhtigan xaadirka ah.

Bilawgii hore Soomaaliweyn waxaa raadinaysay Somaliland, ee waxa aan ku talinayaa (Imika) in Somaliland ay noqoto ta ugu dambaysa, oo marka hore Afartii Soomaaliyeed ee kale ha yimaadeen meesha” Annagu Haddii aanu nahay Somaliland ma necbin Soomaaliya shacab ahaan, oo waa taas la is dhex maraayo, ee la isu socdo, waa taas wax la wada cunaayo. Qolo walibana geesteeda ha u dhisto oo ha la is ictiraafo, oo waxa aan leeyahay Jiilasha innaga dambeeya bal inay isku soo hiloobaan oo ay wax wada qabsadaan ”.

Mar aanu Madaxweye ku xigeenkii hore ee Somaliland wax ka weydiinnay sida uu u arko Doorashada ayaa uu ku jawaabay “Doorashooyinka soo socda waxba kamay hadhin, waana mid loo baahan yahay in talo muhiim ah laga dhiibto, taladaasna waxa aan ku socodsiinayaa Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Qarankan (Somaliland) mid Muxaafid ah iyo mid Mucaarad ahba waa la wada leeyahay, doorashooyinkiina Saddex bilood ayaa ka hadhay, waa muddo gaaban hawlo culus oo laxaad lihina waa ay inna hor yaallaan, oo waxa ka mid ah Diiwaangelintii codbixiyeyaasha iyo doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Wakiilada oo isa saaran, markaas hawlahaas culayskooda leh ee isa soo gaadhay, dartood wadankani uma baahna qalallaase. Marka aan sharraxo (Muranka Xisbiyada iyo dowladda) Waa sida guriga marka la dhisayo kolba cid ayaa loo dhibaa.

Markaas Xukuumadda iyo Mucaaradku waa ay is haystaan, waxayna isku haystaan waa shacabka, oo aan aniguna ka mid ahay”

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayo sida ay iskugu soo dhawaan karaan Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumaddu waxa uu yidhi “Waxa aan soo jeedin lahaa talo ah in Madaxweynuhu fidiyo Gogol, Fadhi iyo casuumad, xeedhada gacmaha la’ wada geliyo,  la’ wada tashado, oo wax la isweydiiyo, oo arinkaas la falanqeyo, oo Madaxtooyada la fadhiisto, arinkaasi ha qaato todobaad, laba todobaad bil iyo laba biloodba. Oo arinka la rog rogo, oo gees walba laga fadhiisto, waxaana leeyahay arintaas degdeg u fuliya, oo waxa aan leeyahay Madaxweyne gogol fidi, oo gogosha u fidi Mucaaradka iyo Xukuumaddaada, oo halkaas ha laga sameeyo Guddi kooban oo ah Wasiiradda iyo Labada Xisbi, oo wax qaabeeya iyaga oo la tashanayaa Guddida Komishanka, si aanay arrimuhu u noqon isku riix riix iyo hebelbaa ka baxay, waxaasna sameeyey. Waxa aan sidaa u leeyahay, Saddex bilood laguma dhamayn karo hawsha Diiwaangelinta cod bixiyaayasha, sidaa awgeed waa sida keliya  ee dalkani qas, qalalaase iyo dhibaatooyin kaga bixi karo”

Mar uu ka hadlaayey Madasha Wada-tashiga ayaa waxa uu yidhi “Marka hore Madasha Wada-tashigu sharci maaha, Xisbiyada Mucaaradka waxa loo sameeyey in aan la arag koox, urur ama qof meel ka qayliya, Xisbiyada waxaa Sharci siiyey Dastuurka, waxa aanay ka mid yihiin haykalkii dawladnimo, wixii intaas ka baxsanina sharci ma’aha, ee waxa aan kula talin lahaa Madasha Wada-tashiga inay ku biiraan Xisbiyada Mucaaradka ama Xisbiga Muxaafidka si aynaan u kala socon”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalliland oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko tirada golaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Sillaanyo oo aad u badan ayaa ku jawaabay “Weli uma aynu bislaan Dimuqraadiyadda, waxaynu ku dhisanaynahay qabaa’il, Beel walba waxa ay doonaysaa wasiir, xanuunkaasna waxa garanaya nin meesha (Kursiga) fadhiya, waxaana xanuunkan lagaga bixi kara wadankan oo la ictiraafo, oo hadda waxa aynu nahay Qabaa’il la isku hayo oo wax wada wadaagaya”

Axmed Yuusuf Yaasiin mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko xilkii wasaaradda Maaliyadda ee Cabdicasiis Samaale laga qaaday iyo xilka Wasiirnimo ee Waxbarashada ee uu iska casilay ayaa waxa uu ku jawaabay “Marka hore Xisbiga Kulmiye waxa u fiican in ay Xisbigooda mideeyaan,  oo xisbi iyo Xukuumad is barbar caraaraya ma kala noqon karaan, oo Kulmiye waa Xisbigii Xukuumadda. Madaxweynuhuna awood ayaa uu u leeyahay in wasiiradiisa kala bedelo. Wasiirkii Wasaarad kale loo bedelaana xaq ayaa uu u leeyahay inuu qaato iyo in aanu qaadan. Laakiin Cabdicasiis Samaale waxa uu ahaa Ragga ku dhowdhow odeyga. Misaaniyadda uu kordhiyeyna waa uu ku ammaananyahay, lamana dafiri karo. Waa arrin isaga u gaar ah haddii uu qaadan waayo Wasaaradda Waxbarashada, oo uu yidhi la igalama tashan, waxaana anigu u arkaa in Wasaaradda Waxbarashadu ay tahay Wasaarad balaadhan, oo ka balaadhan Wasaaradda Maaliyadda”

Mar aanu wax ka weydiinay in Xukuumaddiisi iyo Xukuumaddani ay ka siman yihiin is casilaada Masuuliyiinta ee wakhtiga ay doorashadu soo dhawaatay, waxa uu ku jawaabay, “Wakhtigayagii Wasiirradu waxa ay is casileen maalmihii ugu dambeeyey, ee aanay waxba ka hadhin, iyada oo wakhtigaas si kale loo micniyey, laakiin qoladani waxa ay ka tageen ka hore iyada oo aan doorashada la gelin”

Mar aanu wax ka weydiinay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirkii Warshadaha Abiib Timacad oo sheegay in marka uu arko xukuumaddaha uu xilka ka hayaa in ay sii dhicayaan uu is casilo ayaa Md. Yaasiin yidhi, “Ninku marka uu is casilayo waxa aan anigu u arkaa arrin shaqsiyan ah in ay tahay, waxaana fiican Wasiirku marka uu ka tagaayo Xukuumadda inuu wax ka sheego ma’aha, waxaana uu ka dhigan yahay nin inta uu gabadh ka umuliyey ka sheekeyey. Haddii uu Wasiirku xilka iska casilo oo uu haddana wax ka sheego Xukuumaddii uu ka tirsanaa, waa dhibaato, waxaana u qurux badan inuu afkiisa iska haysto”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo aanu wax ka weydiinay waxa ay ku kala duwan yihiin Xukuumaddii uu hoggaankeeda ka tirsanaa  iyo Xukuumaddan ayaa yidhi, “Xukuumaddaydii waxa ka talinaayey oo Madax ka ahaa Beelaha darafyada, Xukuumaddana Beesha dhexe ayaa ka talisa”.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay Nabadgaliyadooda ilaashadan, oo cadawgooda meel uga soo wada jeestaan, isa samaaxan, iskun duubnadaan.