Xil. Wakiillada Ka Tirsan Oo Sheegay In Xukuumaddu Ay Haamaha Shidaalka Weli Ka Qaaddo Lacagtii Total, Madaxtooyadana La Geeyo

0
510

43332Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in xukuumaddani ay la soo baxday weji ka duwan wejigii ay lahayd markii aanay ku guulaysan doorashada madaxnimada. Waxa aanu Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey in wixii uu ku dhaliili jiray xukuumaddii hore uu isagu si badheedh ah u samaynayo, isla markaana aanu ogolayn in isaga lagu dhaliilo, xaqiiqda dhabta ah ee jirtana uu iska indho tirayo.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo Wargeyska Geeska Afrika siiyey wareysi gaar ah,  ayaa sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera oo ku eedeeyey in hawl aan shaqadiisi ahayn uu galay, xilkii ka saarnaa Haamahana uu mid ka duwan qabto, waxaanu tilmaamay in isagu aanu xaq u lahayn in qiimaha Shidaalka uu kordhiyo.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sidoo kale ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Markabkii Hubla ee ku soo xidhay Dekada Berbera iyo misaaniyadda dalka, xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Xukuumaddani markii hore ee ay Mucaaradka ahayd weji dad ayey sidatay, imikana wejigii bahalka  ee asalkeeda ahaa ayey la soo baxday, oo ay dadka ku laynaysaa, wixii markii hore ay ahayd waxba kama jiraan ee waxa ay tahay Maanta ayaa dhab ah, waxaas Maanta Siillaanyo ka qaylinayo ee ku saabsan doorashada ee uu leeyahay Dawlad lama dhisi karo, Madaxweyne Siillaanayo waa kii hore u odhan jiray maalin doorashada laguma dari karo, Shidaal lama qodi karo, waligeedna lama arag Dawlad miisaaniyadeeda ku darta Hantida Dawladda ee la xaraashayo iyo Lacag ay soo daabacanayso”

Xildhibaan Siciid Warsame Gaani ayaa mar uu ka hadlaayey Markabkii Hubka ee dhowaan ay Somaliland qabatay waxa uu yidhi, “Dawladdani, Dawladnimadii waa ay dhaaftay, habkii Budhcadnimada ayaa ay ku shaqeeynaysaa, Markabkii hubka ee ugu dambeeyey ee la qabtay halkee ayuu ku dambeeyey, Ha’ la is weydiiyo ee? Inta sida budhcadnimada loo isticmaalay lacagtana laga qaatay la sii daayey, sharaftii Somaliland meel ayey kaga dhacday, maxa yeelay Budhcad badeedda ayaa inta ay Markab qabsato, Lacagna ka qaadato sii daysa.

Dawladdana waa tii ugu liidatay ee abid ina soo marta Somaliland, dadkana waxa aan leeyahay fartiina ayaad ku keenteen ee fartiina ku rida”  

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha Shidaalka yidhi  “Shidaalka qaaliga noqday waxa ka dambaysay xukuumadda oo aan cidna la weydiinayn, inankan Haamaha shidaalka joogana waxa uu sheegay inuu lacagtii kordhiyey, iyada oo shaqadiisu ay tahay inuu qoro cidii wax ku shubata iyo cidii wax kala baxda, waxaanu galay wax ka weyn wixii loo diray oo ah inu yidhaahdo waxa aan keenay Labarootari (Shaybaadh) aan ku baadhayo kaalmaha Shidaalka ee Wadanka oo dhan, xaqna uma laha, haddii wax la baadhayo Hay’ad dhan ayaa loo aasaasay oo ah Hay’adda ilaalinta tayadda, hawlaha Shidaalka aqoon uma laha isagu”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Sagaal Kontaynar oo min Afartan Fiit ah oo dhowaan la soo dajiyey, ayaa Kastamkii loo diiday in la furo, arintaasi waxa ay u muuqata in tuugo cad loo badheedhay, ama Cashuur ha lagu dhaco, ama hub ha lagu qarsadee, Laabarooterigana waanu naqaana oo kama bato Kontaynar Toban Fiit ah, Sagaalka Kontaynar wixii ku jirayna in la caddeeyo ayaanu doonaynaa, oo Qaranku is weydiiya, waxaanan leeyahay inankan Haamaha Shidaalka jooga waxba ha na aflagaadayna ee waxa aanu leenahay Shaqadaada iyo waxa lagu xil saaray nala garo, Sagaalka Kontaynarna wixii ku jiray waanu kaa rabnaa”.

Xildhibaan SIciid Gaane oo ka hadlaya Lacagta Haamaha Shidaalka ayaa yidhi “Haamaha Shidaalku xeer ma leh, Lacagta laga qaadaana maaha Cashuurtii ee waa Lacagtii Total, Maantana Total ma joogta ee sidii ayuu Lacagta u qaada, xukuumaddana halkii ay ka jabin lahaayeen Shidaalka oo wax walba ay ku xidhan yihiin ayey laban laabtay, Sigaarkana ay ka dhimaan (Cashuurta), meecashadii dalkuna waxa ay maanta maraysaa in dadkii danyarta ahaa ay maalintii mar qudha wax karsadaan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey in Maareeyaha Haamaha Lacagta uu sii toos ah u geeyo Madaxtooyada waxa uu yidhi “Inankan Haamaha ee Shandadda geeya Madaxtooyada waxa uu ka mid yahay dadka lala xisaabtamayo, waxaanu ka mid yahay dadka dabada ka wada ee doonaya in la iibiyo Dekada Berbera, reer Berberana waxa aan leeyahay kala garta ninkiina wax qabanaya iyo ka aan waxba idiin qabanayn,oo marka loo eego Cali Xoor-Xoor Dekaddii waxbuu ku kordhiyey, waxna waa uu ka qabtay, iyada oo Madaxtooyadu ku soo jeeddo”.

Mar aanu waxa ka weydiinay Xildhibaan Siciid Gaane sida uu arko Wasiirka cusub ee Maaliyadda isaga oo hore ugu dhaliili jiray Wasiirkii hore ee Wasaaraddan Cashuurta iyo Misaaniyadda ayaa yidhi “Haddii la leeyahay wax ayaa la kala bedelay anigu u malayn maayo in wax la kala beddelo, ee xagga sare ayey waxa ka khaldan yihiin, Wasiirna waxba ma bedeli karo ee xagga sare ayaa khaldan, horena waan u sheegay oo waxa aan idhi is bedelkani waa Markab Kabtankiisi degayo oo Shaqaalihii isku shandhaynaya, Wasiirka cusubna wax isbeddel ah ka fili mayno”.