Madaxweyne-xigeenka Oo Waraysi Kaga Hadlay Abaaraha Galbeedka Ka Jira

0
462

sayliciHargeysa (geeska/IRIN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillahi Seylici ayaa sheegay in xukuumada Somaliland digtooni ka qabto maleeshiyaadka Shabaab ee koonfurta lagaga adkaaday, diyaarna u yihiin shacab iyo dawladba iyagoo la kaashanaya wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Cabdiraxmaan Seylici, oo wareysi gaar ah ay wakaaladda wararka ee  IRIN la yeelatay ayuu ku sheegay in xukuumada Somaliland qorshaynayso sidii biyo-xidheeno looga samayn lahaa dooxooyinka, iskana kaashan doonaan baanka horumarinta Afrika, iyo qurba-jooga sannadka danbe. Wareysigiina waxuu u dhacay sidan:
Maxaad nooga sheegi kartaa xaalada abaareed ee Somaliland?

Dhab ahaan, abaarahu waxay soo taxnaayeen ilaa saddexdii sannadood ee u danbeeyey deegaamada xeebaha, xaaladu waa mid aad u liidata, xoolahiina dhimasho ayey bilaabeen, gaar ahaan geela, dadkiina nafaqo-la’aan dartood ayey la il-daran yihiin. Waxay u muuqataa, ilaahay kama dhigee, inaan roobab diI doonin bilaha soo socda, taasoo dadku sii jilicsanaan doonaan xoolahuna dhiman doonaan. Markaa waxaan ka codsanaynaa gargaar degdeg ah beesha caalamka.

Waa kuwee xoolaha la dhaqdo ee badi abaarahu saameeyeen?

Abaarahu waxay saameeyeen dhamaan dadkoo dhan, dhamaan deegaamadii aan booqashada ku tagnay, wax beero baxayey ma jirin, maxaa yeelay ciidu way qalalayd. Xoolo-dhaqatada laftooda wakhti adag ayey marayeen, wax roobab ah ma helin saddex sannadood. Dadka ugu sii jilicsan abaaraha waa dumarka, caruurta iyo waayeelka.

Gobolada abaarahu saameeyeen waa imisa?

Guud ahaan deegaamada xeebaha ku yaal, kana mid yihiin Awdal, Salal, sanaag iyo Saaxil. Meelaha ugu daran waa galbeedka, halkaa oo boqolaal kun oo qoys ka soo barakaceen deegaamada miyiga oo tuulooyinka soo gaadheen iyagoo nolol raadinaya.

Deegaamada dadku u soo barakaceen halkee ka mid ah?

Waxaan soo maray ilaa 30 meelood oo barakacayaal joogeen, laakiin meelaha ugu sii badan waxa ka mid ahaa Gargaara Bari, Cali-Xaydh, Garba-Dadar and Ceel-la-Helay. 

Dadka abaarahaasi saameeyeen intaad ku qiyaasi kartaa?

Dadkaasi abaarahu saameeyeen waxay gaadhayaan ilaa labaatan kun oo qoys.

Waa maxay gargaarka loo fidiyey ilaa intii abaarahu bilaabmeen?

Ugu horeyn, xukuumada Somaliland oo masuul ka ah shacabka guud ahaan ayey waajibkeeda tahay inay ugu horeyn ka jawaabto. Laakiin, sidaad la socotid, Somaliland iyadoo aan aqoonsi caalami haysan, uma hayno dhaqaale aan kaga jawaabno masiibooyinka. Markaa waxaan isku deynay inaan mucaawimo dibeda weydiisano. Qaar saaxiibadayada ka mid ah ayaa ka soo jawaabay, sida madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil C, Geele, aad baan uga mahadcelinaynaa. Waxaan sidoo kale dhowaan gaadhsiinay cuntooyin kala duwan ilaa kun qoys.
Maxaa idiinka qorshaysan ilaa kaga hortagtaan abaarahan soo noqnoqda?

Waxaan ku dedaalaynaa inaan dhisno balliyo, maadaama biyahii hoose yaraadeen roob la’aanta awgeed. Tusaale ahaan, hadii hore biyaha hoos elagu gaadhi jiray toban mitir, imika toban kale ayaa ku saa’iday. Xukuumada Somaliland waxay qorshaynaysaa inay ka dhisto biyo-xidheen meelaha dooxooyinka, markaa sannadka danbe waxaan damacsanahay inaan mashaariicdaa biyo-qabatinka isla kaashano baanka horumarinta Afrika, xukuumad ahaan iyo shacabkayaga dibedaha ku nool.

Xukuumadu waxay dhowaan ka dhigtay bilaa lacag waxbarashada hoose, taasoo keentay korodhka ardayda iskuulada la qoray, side korodhkaa u waajahaysaan?

Haa, arday badan ayaa la qoray iskuulada lacag la’aanta awgeed, waxaanan wadna qorshahii aanu ku waajahi lahayn, hadii ay tahay kordhinta fasalada, dhinaca macalimiinta iyo weliba buugaagta maadooyinka waxbarashada.
Shacabka reer Somaliland waxay si weyn u sugayaan aqoonsi dalkoodu helo, waa maxay talaabooyinka aad ku gaadhaysaan hadafkaa?

Weligayo kama quusan doono raadinta madaxbanaanida Somaliland, si weyn ayaan uga shaqeynaynaa inaan aqoonsi caalami ah helo, waana sababta aan uga qeybgelayno shirarka caalamiga ee loo qabanayo dadka soomaaliyeed, si aan walaalahayaga Soomaaliyeed ugu bandhigno inaan laba dal oo jaar ah noqono mustaqbalka, sidaa midowgii ka hor u ahayn, waxaanan ku taagan nahay wadadii aan ku gaadhi lahayn aqoonsigayaga.
Ima filaysaa in maleeshiyaadka Shabaab halis ku yahiin Somaliland?

Waa laga soo saaray badi koonfurta Soomaaliya, sidaa filaynana, inay saamayn nagu yeeshaan iyadoo dhici kartana, waan ka diyaargarownay cid kastoo na soo dhexgasha. Shacabkayagu waxay  wada shaqeyn buuxda leeyahiin hay’adaha dawlada, sida booliiska, sirdoonka, sidii dalka loo ilaalin lahaa, waxaan sidoo kale wada shaqeyn leenahay wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Maxaad nooga sheegi kartaa kooxaha barriga ee goosashada wada?

Waxaan si weyn uga taxadiraynaa in isku-dhac na dhexmaro, annagoo mar walba iskiu deyeyna inaan mushkiladaha miiska wada-hadalka  ku dhamaysano. Annagoo taa raacanya, Madaxweynaha Somaliland waxuu hogaamiyahooda kula kulmay Dubai, booqashadiisii July, wada hadaladiina meel fiican ayey marayaan, dhowaana guulo ayaa laga gaadhi doonaa , hadii Ilaah yidhaahdo.