Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay In Doorashada Lagu Galo Tiro Iyo Golaha Guurrtida Oo Sabtida La Isugu Yeedhay

0
461

golahaHargaysa( Geeska)-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay wax ka badal iyo kaabis lagu soo sameeyey afar qodob oo ka mida Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo uu u soo gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

fadhiga aan caadi ahayn ee Golaha wakiillada iskugu yimid waxa guddoominaayey guddoomiyaha Golahaas Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxaanu Mudaneyaasha u soo jeediyey inay cod u qaadaan wax ka badalka iyo Kaabista lagu sameeyey afar qodob oo farsamo ahaan ay soo jeediyeen Guddida doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha oo furitaankii fadhigaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi?“Waxa Goluhu ansixiyey wax ka badalka iyo kaabista Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka lifaaqiisa afraad. Madaxweynaha Somaliland lifaaqa afraad wuu saxeexay, waxaanu dhaqan geliyey 15 july, hase yeeshee iyadoo la tix gelinayo Codsiga Guddida doorashooyinka qaranka oo soo jeediyey in Astaanta lagu badallo Namberka, iyadoo qabsoomida Doorashooyinku ay mihiimad wayn u leedahay hanaanka dimuquraadiyada Somaliland, iyadoo laga fogaanayo caqabad kasta oo doorashada dib u dhigi karta waxa Madaxweynaha Somaliland uu ka dalbaday Golaha wakiillada Somaliland inay iskugu yimaadaan Fadhi aan caadi ahayn si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan Lifaaqa 5-aad ee Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Somaliland”.

Mudaneyaasha golaha wakiillada oo cod u qaaday lifaaqa 5aad ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland waxa u codeeyay meelmarinta  waxkabadalista iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaas  37 xildhibaan, 4 Mudane way diideen, 12 Xildhibaan way ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay wax ka badalkii lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka.

 Xeerka doorashooyinka ayaa abuuray muran siyaasadeed oo u dhaxeeya golayaasha baarlamaanka , guddida doorashooyinka iyo Madaxtooyada, ugu danbayntiina waxa ay shalay golaha wakiiladu si rasmiya u ansaxiyeen in doorashada golaha deegaanka lagu gali karo nambar, waxaanu xeerkan markale dib ugu noday golaha guurtida oo iyagu ahaa kuwo ku adadag in astaan la siiyo murashaxiinta u tartamaaya doorashada golaha deegaanka.

Geesta kale, mudanayaasha golaha guurtida ayaa iyagana shalay loogu baaqay inay sabtida isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn oo uu Madaxweynaha Somaliland ka codsaday, waxaana mudanayaasha guurtida loogu gudbin doonaan inay ansixiyaan xeerkan ay wakiiladu shalay is dhaafiyeen, laakiin waxa la filayaa in mudanayaasha golaha guurtida oo iyagu hore u soo jeediyay in doorashada lagu galo astaamo ay dood adag ka yeelan doonaan xeerkan uu Madaxweynuhu wax ka bedelka ku soo sameeyay.