Suldaan Kooshin Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Suldaan Kale Oo Reer Saaxil Ah

0
729

kooshinHargeysa(Geeska)- Suldaanka guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, ayaa u jawaabay Suldaan Suldaan kale oo ka soo jeeda gobalka Saaxil Suldaan Sayid Aw Jaamac Warsame oo eeddo u jeediyay suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi. Warsaxafadeed uu xalay Suldaan Kooshin soo saaray ayaa wuxuu ku yidhi “Guud ahaan shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibedda-ba, gaar ahaan Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, haddaan ahay Suldaanka guud ee Beesha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaan raalli-gelin ka bixinayaa War-Saxaafadeed aan asluubaysnayn kana fog waaqiciga dhabta ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn oo ka soo baxay mid ka mid ah Salaaddiinta Beesha Ciise Muuse laguna magacaabo Suldaan Sayid.

Markaa, waxaan ka raalli-gelinayaa cid kasta oo ay saamaysay aflagaaddada Suldaankaasi ku kacay oo aannaan dhaqan u lahayn, isla markaana aan ka turjumayn aragtida Beesha Ciise Muuse, kuna kooban shaqsiyaddiisa Suldaanka soo saaray.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer-Awal waxa uu Ciise Muuse ka mudan yahay sharaf iyo tixgelin soo jireen ah, maaddaama oo aannu nahay Beesha deegaannadeeda lagu boqri jiray Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal, muddo laga joogo laba boqol oo sano, sida Deegaannada Suuqsade, Burco-Sheekh iyo meelo kale oo deegaanka Beesha ka tirsan. Sandaladda guudna aannu kaw ka nahay taariikhda aannu ku suntannahay inaannu doorka koowaad ku leenahay Boqritaanka, ilaalinta iyo qaddarinta Saldanadda guud ee Beesha Subeer-Awal.

Aad iyo aad baannu uga xunnahay aflagaaddada uu Suldaan Sayid kula kacay Suldaanka guud, waanannu ka raalli-gelinaynaa. Sida la wada ogyahay shirkii Dubur sidii beeshu ugu sharaftay Suldaanka guud ee Subeer-Awal furitaankii shirka waa wax la wada ogsoon yahay, halkaas oo lagu guddoonsiiyey Hadyado qaali ah oo lagu maamuusay sidii soo jireenka ahayd ee loo maamuusi jiray Saldanadda guud.”