Madaxweyne Trump Oo Sheegay In Madaxweyne Obama Xumeeyey Qalabka Qaboojiyaha Ee Aqalka Cad

0
867

Washington (Geeska)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa madaxweynihii ka horreeyey ee Barak Obama ku canaanta dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin; heshiiskii hubka Nukliyeerka ee uu madaxweyne Obama la galay Iiraan iyo dhibaatada dhinaca xuduudka Maraykanka iyo Mexico oo soo galayti badani ka soo galo Maraykanka. Laakiin eed cusub ayaa uu Trump toddobaadkan ku soo daray eedihii uu hore ugu jeedin jiray Obama. Waxa uu sheegtay in nidaamka qaboojiye ee aqalka cadi oo aad u xun ay sababtiisu tahay Barak Obama. Trump oo jimcihii toddobaadkan ka jawaabayey su’aalo ay warfidiyeenka aqalka cad ka hawlgalaa ka weydiiyeen fasaxyada nasashada ah ee uu bisha Ogos ugu baxayo xarunta uu ka deggen yahay magaalada Dumpster ee gobalka New Jersey, waxa uu sheegay in safarrada noocaas ah ee halkaas u tagaa aanay ahayn fasaxyo, balse ay tahay fasaxyo madaxweyne oo inta badan yimaadda marka dayactir lagu samaynayo Aqalka Cad. “Waxa aan anigu jecelahay in aan halkan joogo, laakiin marar badan waxa aan ku qasbanaadaa in aan ka tago aqalka Cad, waayo in waqti badan lagu shaqeeyo aqalka cad ayaaba dhibaato badan kugu keenaysa” ayaa uu yidhi madaxweyne Trump, isaga oo arrintaas sii faahfaahinayana waxa uu intaas k udaray, “Tusaale ahaan, maamulkii Obama, waxa uu aqalka cad ku rakibay qalab qaboojiye oo cusub. Nasiibdarro qalabkaas intii aanay ku rakibin xaaladdu aad ayaa ay u fiicnayd” Trump oo weli sii wada canaanta uu madaxweyne Obama ugu jeedinayey in qalabka uu aqalka cad ku rakibay xumaa, ayaa yidhi, “Imika, intii ka dambaysay markii ay qalabkaas ku rakiibeen Aqalka Cad, jawigii waxa uu noqday qaboow xoog ah ama kulayl xoog ah”

Dad badan ayaa ay dhaliilaha Trump ku noqdeen u qaadan waa, maadaama oo inta badan hoggaamiyeyaasha canaananaya madaxdii ka horreysay lagu arki jiray in ay ka hadlaan arrimaha dalka guud ahaan khuseeya, laakiin taas beddelkeeda uu Trump ka hadlayo qaboojiyaha aqalka cad iyo jawiga ka jira.

Madaxweyne Trump ayaa hore looga bartay in mar kasta oo uu ka hadlay arrin uu ku faanayo in uu qabtay ama arrin uu ka wanaajiyey sidii ay ahaan jirtay, uu soo qaado madaxweynihii xilka uga horreeyey ee Barak Obama.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here