10 Caado Oo Dadka Guuldarraystaa Ay Caan Ku Yihiin (1)

0
329

Washington (Geeska)- Qoraa lagu magacaabo Darius Foroux oo wax ka qora adabeecadaha aadamaha, go’aan-qaashada, maamulista maaliyadda shakhsiga ah, iyo guud ahaan hab-dhaqannada aadamaha ayaa maqaal uu 9 kii Julay ku qoray shabakadda Medium oo ka faalloota dabeecadaha aadamaha iyo cilmiga bulshada waxa uu kaga warramay dabeecado uu sheegay in ay calaamad u yihiin qofka aan guulaysan. Darius oo ka warramaya nin ay kulmeen waxa uu maqaalkiisa ku yidhi: “Qofkii guulayste ah ee ugu horreeyey ee aan la kulmaa waxa uu ahaa ganacsade da’da afartanaadka ku jira, oo macmiil iigu ahaa shaqadii ugu horreysay ee aan abid qabto. Markaas anigu 24 sano jir ayaa aan ahaa, waxa aanan u xiise qabay in aan wax barto; isaguna waxa uu ahaa nin mar kasta faraxsan, oo lacag badan haysta.

Ninkii waxa aanu noqonnay saaxiibbo, waxa aanu mar dambe ii sheegay in shan sano ka hor ay dhimatay xaaskiisii, oo ahayd jacaylkii noloshiisa. Waxa uu ii sheegay in ay ahayd geeri aanu abid xanuunkeeda ka bogsan karin. Waxa ay ahayd sheeko si yaab leh ii tustay wanaagga aragtida toga nee ninkani leeyahay.

Waa qof masiibo iyo dhacdo xanuun badan ku dhex jira oo haddana xoogga saaray in waqtigiisa iyo lacagtiisaba uu u hore samafalka iyo wanaagga. Waxaa ka muuqatay in uu yahay ruux si dhab ah diyaar ugu ah in uu dadka wax u qabto.

Mar kasta waxa uu ii sheegi jiray in sirta guushiisa ka dambaysaa ay tahay, in uu ku dadaalo sidii uu isaga ilaalin lahaa in uu noqdo guuldarrayste. Waxa uu daraaseeyey waxa qofka farxadda ka qaada ee uu iska ilaalin karo, waxa qofka niyad-jebiya, ama qofka xiisaha ka qaada, kaddibna natiijada u soo baxday ayaa uu ka dhigtay duruus uu iskaga ilaaliyo in aanu isna qaldaadkaas oo kale samaynin.

Waxa uu sheegayaa in uu run yahay waa aan hubay. Inta badan waxa aynu leenahay dabeecadda ah in wax sii jiray uun aynu wax ku darsanno ama aynu hawl hore loo sameeyey oo aynu hubno; ‘Haddii aan hawshaas qabto, waa aan guulaysan doonaa’ ayaa aynu ku soconnaa. Laakiin waxaa innaga maqan in haddii guushu ay tahay wax fudud oo la saadaalin karo, in aynaan talo u raadsan lahayn sida loo gaadho.

Halkii aan ka daraasayn lahaa wax dad kale u shaqeeyey, waxa aan raacay talada saaxiibkay, waxa aanan fiiro dhow u yeeshay dabeecadaha dadka badankooda ka hortaagan in ay bartilmaameedkooda gaadhaan.

Waxa aan halkan idinku hayaa Tobanka shay ee ugu badan ee uu qofku naftiisa isagu ku keeno, kaddibna ka hor istaaga guusha. Haddii aad mid ka mid ah isku aragto, waxa aad u qaadataa digniin kuu sheegaysa in aad dib u qiimayn, dib u eegis iyo toosin ku samayso jidka aad ku socotay.

  1. Mar walba waad maahsantay (Dhugmada ayaa kugu yar)

Greg McKeown oo ah lataliye dhinaca maamulista waqtiga ah, ayaa buuggiisa ‘Essentialism’ waxa uu ka sheekaynayaa nin ay hore isku fasal ugu ahaan jireen dugsiga oo ay si kedis ah u kulmeen isaga oo shaqo la’ oo raadinaya cid talo ka siisa shaqo uu ku fiican yahay.

Greg McKeown waxa uu sheegay in markii ay sheekadu meel dhexe u marayso in uu saaxiibkiisii talo raadiska ahaa la soo baxay taleefankiisa gacanta oo bilaabay in uu wax ku qorqoro.

Greg McKeown waxa uu sheegay in toban ilbidhisqsi uu foorarkii ku qaatay, haddana labaatan. .. haddana … isaguna uu u tirinayey waqtigaas. Waxa uu sheegay in saaxiibkii oo weli ku foorara taleefankii in uu isagu iska kacay. dhowr daqiiqadood kaddibna in uu iskaba tegey.

Sheekadna ayaa aan xasuustaa mar kasta oo aan dareemo in fikiro iyo walaac dhinac kasta igaga furan yahay. waxa aanan ka dhigtaa hab aan naftayda ku xasuusiyo in ay dhugmo u yeesho daqiiqad kasta oo aan joogo iyo dadka aan la joogo. Haddii ninkaas ay McKeown isku fasalka ahaayeen naftiisa intaas xasuusin lahaa, waxaa laga yaabaa in uu la socon lahaa talada uu saaxiibkii siinayo ama uu ka heli lahaaba tilmaam ku hagta in uu shaqo helo.

Dhugmo la’aanta iyo in aad dhegeysan weydo waxa lagu sheegayo iyo talada waayo-araggu ku siinayaan waa calaamad muujinaysa in aad guuldarrayste tahay. La soco..

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.