Madaxweynaha Oo Balan Qaaday Inay Doorashadu Wakhtigeeda Ku Dhacayso

0
551

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan golahiisa Wasiirada oo shalay dalka ka dhoofay ayaa sheegay in uu dalka Ingiriiska uu kaga qayb galaayo shir balaadhan oo lagaga hadlaayo sidii maal gashi dhaqaale loogu samayn lahaa dalka Somaliland.

Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hor intii aanu dalka ka ambabaxin warbaahinta ugu waramay qolka VIP-da ee Cigaal International Airport ayaa waxaa uu sheegay in ay halkaasi ku tagayaan marti qaad ay ka heleen dawlada Ingiriiska oo wada qaban qaabada shirkaasi,waxaana uu sheegay in ku shirkaasi ku soo bandhigi doonaan dhinacyada baahiyaha ay Somaliland u baahan tahay in la maal gashado. “Aniga iyo waftiga ila socdaa waxaanu tagaynaa dalka Ingiriiska,halkaas oo nalagu marti qaaday in aanu ka qayb galno shir ku saabsan maalgashiga Somaliland,oo aan rajaynaayo in uu wax weyn oo midho dhal ah uu u noqdo dalka iyo dadka Somaliland,waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb galo shirkaas,waxaana aanu halkaas oo aanu ugu soo badhigi doono dawlada Ingiriiska iyo cida wada qaban qaabada shirkaas waxyaalaha Somaliland ka suurta gala iyo baahiyaha dalka iyo waliba waxa midho dhal u noqon kara in maal-gashiga aanu ka dhaadhicin doono intaba haddii Alleh yidhaahdo,markaas waxaan rajaynayaa in shirkaasi uu noqdo shir waxtar weyn u yeesha maal gashiga Somaliland iyo in dhulkeena la maal galiyo oo dhaqaalaheena kor loo qaado oo la horumariyo”Ayuu yidhi Md:Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi raaciyey“Markaa shirkaas waxaa ka soo qayb gali doona dad badan oo maal gashiga garanaya,ganacsato badan ,iyo maal qabeeno badan oo ka qayb gali doona.waxaanan aad u rajaynayaa in uu noqdo mid waxtar weyn dadka iyo dalkaba u noqda uu yahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Siilaanyo oo sida oo kale ay warbaahintu wax ka waydiisay mawqifka ay Xukuumadiisu ka taagan tahay shir la sheegay in magaalada Copenhagen  ee dalka Denmark lagu qabanaayo shir lagaga hadlaayo arrimaha Somaliya,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka Xukuumad ahaan aanay marnaba ka qayb gali doonin shir aan loogu soo casuumin iyaga oo sita magaca Somaliland.

“Shir kasta iyada oo anaga gooni na loo casuumo mooyaane,shir aanu kaga qayb galayno anaga oo qayb Somaliya ka mid ahi ma jirto,waxaanu kaga qayb galaynaa haddaanu ka qayb galayno anaga oo Somaliland ah”Ayuu yidh Madaxweyne Siilaanyo.

Ugu danbayntiina Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sida oo kale warbaahintu wax ka waydiisay suurta galinta in ay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ay Doorashooyinka dalka ku qabtaan xiligii loogu talo galay,waxaana uu tibaaxay in aanay doorashooyinka dalku xiligii loogu tala galay aanay marnaba dib uga dhici doonin“Doorashadu xiligeedii ayay ku dhacaysaa,wax ka badalayaana ma jiraan”ayuu yidhi Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).