Cali-Gurey Oo Waraysi Uu Geeska Afrika La Yeeshay Arrimo Badan Kaga Hadlay

0
665

53CALIHargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa sheegay inuu saluugsanyahay qaabka maamul ee xukuumadda Somaliland, inkastoo uu sheegay inaanu shakhsiyadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo saluugsanayn, haddana wuxuu khibrad la’aan ku dhaliilay golihiisa xukuumadda, oo uu sheegay inaanay ku jirin siyaasiyiin miisaan lihi.

Md. Cali-Gurey, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha kula talinayo inuu dib ugu noqdo dhismaha xukuumadiisa, kuna soo daro rag miisaan siyaasadeed leh si aanay talada oo dhami ugu ururin miiskiisa. Md. Cali, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbiga UDUB, colaadaha Buhodle, wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya iyo arrimo kale oo uu si faahfaahsan u sharaxay. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Dhawaanahan waxa ka jiray isku dhacyo hubaysan iyo colaado ka taagnaa bariga Somaliland gaar ahaan Buuhoodle, Cali adigu Sidaad u aragtaa arimahaas?

Waxan u kala qaadayaa laba, midi waa magacyadan lala baxay ee Khaatumo iyo SSC midna waxa weeye waxa ka socda Buuhoodle. Shirkii Taleex Somaliland waa ay sharaysatay ee waxyeelo uu yeelay Somaliland ma jirto, marka si loo eegana waxaaban qabaa inuu waxtar u lahaa, sababta uu ugu lahaana waxay noqonaysaa khilaafkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland oo noqonaya khilaaf u dhaxeeyay Somaliland iyo cid aan Somaliland ahayn ayuu ka soo raray Puntland oo waxa uu noqday imika waxa inaga gudaheena ah oo aan cid kale ku jirin. Markay sidaas tahayna waxaan u arkaa waxii meesha ka soo baxay in aanu saamayn weyn inagu yeesheen haddii xukuumadu si miyir qabta oo aan dagdag ku jirin oo falal dagaal ahayn hadday kaga jawaabi lahayd ama xataa wakhti ay siin lahayd.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay arintan Buuhoodle ka socota, wakhti hore mar waan ka hadlay imika inaan ka hadlaana waxan is leeyahay waa waajib qaran oo isaaran, intii ay xukuumadan talada haysay dhamaan talaabooyinkii ay ka qaaday Buuhoodle oo dhami marka laga reebo go’aankii madaxweynaa ee lagu aasay barkadahii Kalshaale, talaabooyinkii ay qaaday ee kale oo dhami waxa ay ahayeen kuligood qalad, talaabo kaliyaata oo saxa xukuumadu Buuhoodle kamay qaadin, talaabooyinka ay qaaday Khilaafkii u dhaxeeyay Buuhoodle iyo Somaliland way sii kala fogaysay ee waxba isumay sii dhawayn, wax dhacay khasaare nafeed oo badan arimahuna ka waawayn taliyahii ciidanka qaranka ee la badalay, ee waxa kuligeedaba qalad ahayd siyaasada dagaaladaas Buuhoodle ka danbaysay oo dhan.

Wakhtigan aynu ku jirno marka la eego waxa loo baahan yahay in la abuuro midnimo qaran, reerka dhulbahante la yidhaahdaana waa reer Somaliland waxna waa ay taban karaan, in aynu isku soo dhamaano  in ay xukuumada  siyaasadeedu ku dhisnaato ayay ahayd, laakiin nasiib xumo sida ay iminka wax u socodaan waxaad moodaa inay wax sii kala fogaynayso.

Anigu waxa aan ugu baaqayaa madaxweynaha kow inuu ciidanka qaranka ee fadhiya goobahii biyaha jiilaalka ee ay ku soo dhici la’ayahiin xoolahii iyo maatidii in ciidankaas laga dul qaado, haddii wanaag loo jeedo weeye, reer Buuhoodlena hoggaamiye dhaqameedyadoodu ay balan qaadaan in aan wax ciidan ah oo kale dul iman, isu soo dhawayntu waa in ay ka socoto dhinaca Xumuumada, haddii talaabooyinkii la waday ee Buuhoodle-na ay u arkayaan guulna waa nasiibdaro. cid laga guulaysan karayaa majirto ina ragna walaal wax uu ku dhaamo la’ waa. Markaas anigu waxan leeyahay ( Muslin kuma cabiidsamo walaan madaxa kaa goyane, mugii weel  ma dhaafee allaw mooska yaan jabinin ).

Waxa mudooyinkan danbe soo baxaaya xubno kamida xukuumada oo lagu eedaynayo musuq inay galeen, wakhtigaad talada hayseena waxa uu xisbiga Kulmiye aad idiinku eedayn jiray inaad ku kacdaan musuq xoogan, hadaba sidaad arintan imika taagan u aragtaan?

Horta anigu CID ma ahi oo baadhis ma samayn, xukuumadu iyadaa kala hadasha wasiiradu iyagaa is eedeeya, saxaafada kolba waxii aan ka aragno ayuunbaa noo war ah, tan ugu danbaysay waxan qabaa dee cidii wax leexsata ama mucaawino ha ahaato ama hanti qarane in lagula xisaabtamo oo sharciga la hor keenaa waa gar, laakiin waxaad moodaa sida ay wax u qabanayaan in aanay saxnyn, nin shalay badhasaab ahaa mid lataliye madaxweyne ku xigeen ahaa qofku marka uu danbi faraha kula jiro waa la qabanayaa, laakiin in tikniko maxkamdda lagu keena, ma argagaxisuu galay? markaa waxaan qabaa xoog iska badintu  waxa ay keentaa qaraxyo kale.

Runtii musuqmaasuqu lacagta uun maaha ee waxa ku jirta eexda, Qaraaba kiilka iyo wax allaale iyo waxii aanay umaddu u sinayn ee aan cadaalad loogu qaybin oo dhan waa musuq, Somaliduna waxay u taqaanaa musuqa lacagta oo qudha, waanan aaminsanahay intan uu imika Maxamed Xaashi hayay inuu wax badan xafiday, kharashyo badan oo aan miisaniyada hore ugu jiri jirina inuu soo galiyay, anigu ilaa hadda ma arko musuqmaasuq waayo miisaniyadeenuba golaha deegaanka ee Hargaysa in aanay miisaniyad u noqon karin ayaan qabaa, musuq  aynu la qaylino oo waawayn markii horna ma jirin imikana  majiro.

Shirkii London waxa ka soo baxay qodobo badan, waxase jiray qodab Somaliland si toosa u taabanayay oo sheegayay in Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan, adigu wada hadalkaas sidaad u aragtaa?

Horta shirkaas London ka qaybgalkiisu waa wax, ka midho dhalintiisuna waa wax kale, xumuumada oo diidan ayaan anigu ogalaa in shirarka noocaas ah la tago oo aynu garteena ka sheegano. Markay tahay ka midho dhalinteeda ma arkaayo imika wada hadalo toosa oo dhex mari kara xukuumada Somaliland iyo TFG-da Somaliya, sababo badan awgeed, waa midee qoladan TFG-du waxa ku socdaan imika Road Map-ka hawlahaas oo ah luqmatuxajar looga soo dhigay Ugandha, hawlaaas hawl aan ahayna ma haleelayaan, hawlahaas haday ku guulaystaana  waxa laga yaaba inay timaado dawlad Somaliya ah oo la wada hadli kara matalina karta Somaliya, inta ka horaysa meel ay kawada hadli karaan maba taagna TFG-du, waayo marka lawada hadlaayo waa in ay mabaadii laga duulayo oo aasaasiya ay jiraan, waxaan ka soo qaadayaa mid kaliya shacbiga Somaliland waxa ay ogalyahiin in walaalahooda Samaliya ay xaq u leeyahiin inay mustaqbalkooda ka tashadaan, haddii aan taas teeda marka hore la helin oo aanay cida matalaysa Somaliya aanay ogalayn in shacbigan Somaliland xaq u leeyahiin inay mustaqbalkooda ka taliyaan taas oo aan ahayn gooni isku taag inay aqbaleen, shabiga Somaliland bay u taala ugu danbaynta waxa ay yeelayaan, mida kale talo waa ay inagu leeyahiin reer Somaliya hanaga tagina way odhan karaan, kala go’u dan inooma ahana way odhan karaan, laakiin waxaan anigu aaminsanahay mid waan soo tijaabinay oo cida wax walaba hurtaa waa reer Somaliland, midse maynu tijaabin wali;  maynu tijaabin inaynu laba dawladood noqono, reer Somaliland waxay aaminsan yahiin inay ku qasaareen midnimadii lixdankii oo ay ubaahan yahiin inay arkaan inaga oo laba dal  oo walaalo ah oo siman.

Cali Guray muddo ayaad siyaasada ku soo dhex jirtay, xisbgii hore ee talada dalka hayn jirayna waad ka mid ahayd, laba sano ku dhawaadna imika waad arkaysaa xukuumadan, hadaba sidaad u aragtaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Siilaanyo?

Sida imika ay wax yahiin runtii waan saluugsanahay, shaqsiyada ninka Axmed Siilaanyo la yidhaahdo se ma saluugsani, inkasta oo ugu danbaynta masuuliyadu isaga ku soo ururayso, laakiin waxaan arkayaa dadka meesha ka talinayaa in aanay ahayn dad waayo aragnimadii iyo khibradii leh, waxaan arkayaa inuu u baahan yahay inuu xukuumadiisan dib ugu noqdo oo uu shaandheeyo oo dad ka khibrada badan kuwan uu keeno, halka ugu weyn ee dhibaatada ah ee aan xukuumadan anigu ku haystaa waxay tahay xukuumadani waa xukuumad farsamo, yacnii ma lihi shaqsiyaadkaa xun xun, waxa weeye marka laysku qaado waa xukuumad farsamo, waa laga yaaba inuu qofku hawlmaalmeedka wasaaradiisa wakhti badan joogi karo, ku mashquulsanaado wasaaradiisa gudaheeda, laakiin maxay maamuli haday Somalilandba kala dhaqaaqdo.

Xukuumadan waxa ka dhiman siyaasiyiin, kuma jiraan rag siyaasiyiina, markaas siyaasadii oo dhan waxa ay ku soo wada ururtay miiska Axmed Siilaanyo, isagu waa qof qudha ma wada koobi karo siyaasadii, markaas waxay ka muuqataa meel walba oo Somaliland ah oo meeshay wax ka dhacaan ee ay talaabo ka qaadanba way uga sii darayaan.

Ugu danbayntii xisbigiinii Udub waakan oo imika waa uu isku habar wacday, masuuliyiintii ugu cus-cuslaa wadanka waa ay wada yimaadeen, haddaba ma filaysaa ugu danbay inaad ku guulaysan kartaan inaad xalisaan khilaafkii xisbiga ka dhex qarxay?

Walaahi waa su’aal aniga igu adag, anigu dhibaatada waxan ahay dadka intaanay iman ka gaashaanta ee ka hadla ee ay dhibto, kolka dhag loo dhigi waayo ee ay dhibtii timaado aniga ka daba tagaa waa laygaga fiican yahay, imika waxa ku jira qoladii caano daatay dabadood la qabay, gudoomiyahii wuu joogaa, gudoomiye kuxigeenkii waa uu joogaa, Cawli oo ah ninka qudhaata ee Udub aan u qirsanahay inuu iga siyaasisan yahay waa uu joogaa, waxaan is leeyahay xaalkayagu kala lulasho ayuu ku danbaynayaa, kala go’ gaadhimayno.