Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Ka Guureeyay Addis, Una Dhoofay Dalka Shiinaha

0
830

lnyo

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo u sii jeeda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay dalka Shiinaha ku sugnaadaan muddo lix maalmood ah, ka dibna ku soo noqdaan magaalada Addis Ababa. Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Madaxweynuhu marka uu soo laabto tegi doono magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo martiqaad looga fidiyay, waxaanay wararku sheegayaan in lagala hadli doono sidii Somaliland xeryo qaxoonti looga samayn lahaa qaxoontiga Somaliya.

Weftiga Madaxweynaha oo laba maalmood ku sugnaa Itoobiya, ayaa waxa ay shalay hoteelka ay degenaayeen kulan kula yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda ahna raysalwasaare xigeenka Itoobiya Hailumariam Desaglen. Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray kulankaas, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare kuxigeenku waxa ay kulan koodaas ku soo qaadeen Arrimo dhawra oo dhamaantood la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada wadan ee Ethiopia iyo Somaliland.

Qodobada kulanka lagaga wada hadlay waxa ay inta badan diirada lagu saaray arrimaha Nabad-gelyada, Ganacsiga, iyo isu socodka labada Shacbi ee labada wadan.

 Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Ra’iisal wasaare kuxigeenka uga mahad-naqay bookhashada uu ugu yimid halka uu degan yahay ee Hotel Sharaton Addis-ababa.

Sidaasi si la mid ahna Ra’iisal wasaare kuxigeenkuna waxa uu sheegay muhiimada ay u leedahay Dawlada Ethiopia Xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay dawlada Somaliland.

Madaxdu waxa ay kulankooda isla meel dhigeen in arrimo badan oo ay isku raaceen in la xoojiyo sida nabadgelyada iyo ganacsiga labadaba.”