Wararkii U Dambeeyay Ee Xaalada Muqdisho, Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay Qorshe Cusub Dejisay Iyo Dawladda Oo Ka War Heshay Weeraro Ka Dhan Ah

0
734

shahabab

Muqdisho(Geeska)-Dagaalo goos goos ah ayaa shalay magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada dawladda Shariif iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay ku suganyihiin waqooyiga Muqdisho iyo xaafado kale oo ka tirsan magaalada. Iyadoo xaaladda Magaalada Muqdisho ay xalay ahayd mid degen.

Ciidamadaas Al-Shabaab oo la sheegay inay yihiin kooxo iskood uga hadhay ciidamadii Al-Shabaab ee baneeyay qaybo badan oo ka mid ah Muqdisho, ayaa la sheegay inay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo kuwa AMISOM. Dagaalkan oo ahaa mid kolba dhinac u soconayay ayaan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashaym, waxase la arkay maydadka saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa idaacadaha Muqdisho u sheegay inay dejiyeen qorshe cusub oo ay kula dagaalamayaan ciidamada dawladda yo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Afhayeenkan ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay inay ciidamada Al-Shabaab Axadii doraad  ay shan  weerar ku qaadeen meelo uu tilmaamay inay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halkaasi oo uu tibaaxay inay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaadhsiiyeen Ciidamadaasi.

Abaanduulaha ciidamada dawladda Sheekh Shariif Cabdikariim Yuusuf Aaden, ayaa isna warbaahinta u sheegay inay ka war heleen weeraro qorshaysan oo ay Al-Shabaab ku doonayso inay ku qaadaan ciidamadooda.

Dhinaca kale wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalada Kampala ee dalka Yugaandha ayaa shalay baahiyay xogo uu ka helay wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Yugaandha, taas oo sheegtay inay askar Yugaandhiis ah oo gaadhaysa soddemeeye askari ku geeriyoodeen dagaaladii u dambeeyay tan iyo 29 Julay oo ay dagaalo xoogani ka dhaceen Muqdisho.

Taliyaha guud ee ciidamada Yugaandha ayay xogtani sheegtay in farriin uu u diray ciidamadiisa jooga Muqdisho, uu ku sheegay in guusha ay Muqdisho ka gaadheen tahay mid aan macquul ahayn, isagoo xusay inay xukumaan 85% ka mid ah magaaladaas tan iyo wixii ka dambeeyay Jimcihii toddobaadkan. Waxase uu xusay in horumarkaas dagaal uu ku yimid khasaare baaxad leh, waxaanu ciidamadiisa kula taliyay inay muujiyaan feejignaan.

Si kastaba ha ahaate qorshaha ay Al-Shabaab kaga baxday Muqdisho, wuxuu noqday hal xidhaale la furfuri kari waayay, waxaana  maalmahan la arki doonaa in qorshahaasi noqdo mid ay dantu ugu run sheegtay Al-Shabaab oo ay sidaas kaga wada baxaan Muqdisho iyo inuu noqdo mid ay kula soo baxaan farsamooyin cusub oo dagaal.