Madaxweynaha Yemen Oo La Sheegay Inaanu Ku Laaban Doonin Dalkiisa

0
898

masar

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax, oo doraad ka soo baxay cisbitaalkii uu ku jiray ee dalka Sucuudiga, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu dalkiisa dib ugu soo noqon.

Cali Cabdalle Saalax, oo uu dhaawac xumi ka soo gaadhay weerar lagu qaaday isagoo ku jiray salaadii Jimce, ayaa la sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii ay dawladda Maraykanku culays ku saartay inuu iska joogo dalka Sucuudiga oo la sheegay in laga siiyay damaanad qaad ah in isaga iyo qoyskiisuba ay ku noolaan doonaan. Wargeyska Sharqal aawsat, ayaa shalay baahiyay in go’aankan ay dawladda Maraykanku u qaadatay si aanu qas uga dhicin dalka Yemen marka uu ku noqdo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, taas oo horseedi karta in maxkamad la saaro sida Xusni Mubaarik oo ay isku xili qabsadeen rabshahada lagaga soo horjeeday.

Arrintan ayaa waxa ka shaqeeyay sida la sheegay safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Sanca Ambassador Gerald Feierstein, oo xogtan laga soo xigtay. Waxaanu safiirku wasaaradiisa Arrimaha dibadda u sheegay in haddii uu Cali Cabdalle Saalax ku noqdo Yemen ay dhalan doonto cadho iyo dibad baxyo xoog badan oo sababi kara khasaare badan. Safiirka oo kulan Afur ah la yeeshay qaar ka mid ah saxaafadda Sanca ku sugan ayaa si dadban u sheegay inaanay muuqan astaamo muujinaya in Cali Cabdalle Saalax ku noqon doono dalka Yemen.