Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaadacay Ka Qayb Galka Shirka Biljamka Ee Uu Midowga Yurub Abaabulayo, Farriimana U Diray Mucaaradkiisa

1
555

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeeyay inay Somaliland qaadacday ka qayb galka shirka lagu qabanayo dalka Biljamka bisha September ee sanadkan.

Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada, oo uu Madaxweynuhu hambalyo ugu diray shacabka Somaliland, ayaa wuxuu ku cadeeyay in shirkaasi la mid yahay shirkii Ingiriiska ee ay dawladiisu hore u qaadacday inay ka qayb gasho. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyay inaanay Somaliland ka qayb geli doonin shirkaas Beljamka lagu qabanayo. Warsaxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay wuxuu u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima-awdiinka, Xisbiyada Qaranka,  dhamaan Bulshada reer Somaliland iyo Dhamaan Muslimiintu meel ay joogaanba, wuxuu u soo-jeedinayaa hambalyada Ciid-alfidriga awgeed, waxaanu yidhi madaxweynuhu Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kulicaam wa antum bikhayr. Waxaan illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.

 Hambalyada ciida dabadeed, waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qaranka oo aan u rajaynayo in dhammaan derajadii iyo gunnooyinka dalacaaduhu kuwada gaadheen ciidan kasta fadhiisinkiisa, Askari kasta waxaa saaran waajibaad, waxaana uu qaranka ku leeyahay xuquuq, derajaduna waxay ka mid tahay xuquuqda ciidamadu ku leeyihiin dawlada, waxaan ku kalsoonahay in ay derajadu soo kordhin doonto kala-danbaynta milgaha iyo haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka  iyo karaamada dawladnimo. Munaasabada ciida darteed, waxaan ciidamada caruurtooda iyo xaasaskooda leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

Waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo mawqifka dawladda ee ku aadan shirka dunidu noogu baaqday ee Brussels, maadaama ay EU-da iyo Somalia wada marti-gelinayaan (Co-hosting), waxaanu u aragnaa mid dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Dalkan JSL, kaasoo aan waxba kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama soo-qayb-gelayno shirkaas.

Gebegebadii, waxaan bulshada Somaliland u dardaarmayaa in ay nabadgelyada illaaliyaan, in ay isku-duubnaadaan, in ay illaaliyaan shuruucda dalka.

Walaalayaal aan ka digtoonaano dhagaraha cadawga oo aan meel uga soo wada jeesano cid kasta oo dalkani hagardaamo u soo maleegaysa, qofkasta oo talo, toosin iyo taageero doonaya waxaanu jecel-nahay in uu noo soo gudbiyo,  gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa, laakiinse waa in aanu doc-faruurin nidaamka dawladnimo iyo shuruucda dalka, qofkii doonaya in uu wax dhaliilo, canaanto ama siyaasad u tartamo waxaynu u samaysanay nidaamka Xisbiyada badan, dalkuna waa dal dimuquraadi ah, waxaynu wax ku nahay dawladnimada, qofkastana xil baa ka saaran illaalinta qaranimada, anigana Madaxweyne ahaan, waxaa xil iyo waajib iga saaran-yahay dalka iyo dadkiisa in aan ku illaaliyo xaydaabka sharci, cidna ka yeeli-maayo inay iska gudub marto.

Waxaan illaahay ugu mahad-naqayaa nabadgelyada aynu haysano, waxaanan ku faraxsanahay in la helay dad ajiiba baaqii iyo gogoshii nabada ee aan mudada dheer ku celcelinayay, oo ay garwaaqsadeen in wada-hadalku ka wanaagsan yahay xabadda iyo dagaalka.

Waxaan aaminsanahay in aan xabadi xalkeenin, walaalayaal dhulku guurimaayo, go’inamaayo, dadka geyigan ku dhaqanina waa dad walaalo ah oo aan marnaba kala maarmayn, Dalka Somaliland waa qani hadii laga shaqaysto, waana inagu filan-yahay, wixii laysku maan-dhaafana wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa inoo dhaqan ahaa oo aynu ku soo caano-maalnay. Walaalayaal ku soo dhawaada nidaamka wada-hadalka iyo qalinka horumarka.

 CADDAALADDA.

Walaalayaal caddaaladdu waa aasaaska iyo jiritaanka dawladnimo, waxa ay abuurtaa kalsooni, waana astaanta maamul-wanaagga.

Walaalayaal, Dastuurku waxa uu qeexay madax-baanida Garsoorka, aniga oo arrintaas ka shidaal qaadanaya, isla markaana fulinaya balan-qaadkaygii xilligii doorashadda waxaan isbedel ku sameeyey Garsoorka iyo Caddaaladda sida; Maxkamadda sare, Guddiga Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta Guud, waxa aan alkumay Xafiiska Garyaqaanka Guud, si xeerarka loogu sameeyo faafinta rasmiga ah, loona gaar-yeelo kiisaska dawladdu darafka ka tahay ee madaniga ah.

 Walaalayaal, si loo xakameeyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka waxaan samaynay Hay’adda Xuquuqal iinsaanka.

 Walaalataal sidaas oo ay tahay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay ka daali mayso, kana caajiso mayso dedaalka lagu xaqiijinayo in muwaadiniintu caddaalad dareemaan.

 Waxaan dhamaan bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa kaalinta ay ka qaataan nabadgelyada illaalinteeda, waxaan leeyahay is dhawrta, is kaashada oo isku-duubnaada, qofkii xunna meel uga soo wada jeesta. 

Anigoo farxada la wadaagaya dadkayga waxaan mar labaad halkan idiinka soo gudbinayaa Hambalyo, bogaadin iyo duco-ba,

Inta bukhta een caafimaadku u saamixin inay innala ciidaana waxa aan alle uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, intii inaga baxdayna Alle u naxariisto.

Ugu danabyn waxa aan leeyahay Ciid mubaarik, Ciidal-caafiya Kuli-caam wa antum Dayibiin.

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Comments are closed.