Dawladda Gaana Oo Muha Daahir U Magacawday Safiir Sharafeedka Bini-aadanimada

1
852

muha1Hargeysa(Geeska)-Dawladda Gaana ayaa Dr. Muha Daahir Faarax Jire oo ah saxafiyad iyo aqoonyahanad u dhalatay Somaliland u magacawday danjire sharafeed uga wakiil ah arrimaha bini-aadminimada.

Wasiirka arrimaha dibadda Gaana Marwo Hannah Tetteh, ayaa toddobaadkan warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Dr. Muha u magacawday safiir sharafeedka dalkeeda Gaana u qaabilsan arrimaha binimaadminimada,

waxaanay sheegtay wasiiradu inay iyadoo ku faraxsan ay qaadatay go’aankaas ka dib markii ay yaqiinsatay dedaalka iyo hawlkarnimada Dr. Muha oo hore loo siiyay bilado kala duwan oo lagu dhex bixiyay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Muha Daahir ayaa durba ku dhaqaaqday bilaabista hawlaha uu u magacaabay wadankaas Afrikaanka ah ee Gaana oo ah wadankii u horeeay ee xorriyad qaatay qaaradda Afrika.

Warkan magacaabista ka sakow warbaahinta Somalida, waxa iyaduna baahisay wakaaladda wararka ee Itoobiya oo sheegtay in saxafiyad masuul ah loo magacaabay safiir sharafeedka Gaana ee arrimaha bini-aadmnimada.

Xilka loo magacaabay Muha Daahir ayaa farxad u ah guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan saxaafadda. Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu hambalyo u diraynaa Muha Daahir Faarax Jire, sidoo kalena waxaanu bogaadin u diraynaa wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Gaana oo qaadatay go’aan taariikhiya.

Comments are closed.